Warbaahinta Guinea: Somaliland Waxay Muunaysay Madaxweyne Alpha Conde iyo Calanka Guinea

0
950

Conakry,(HargeisaPress) –Warbaahinta Jamhuuriyadda Guinea ayaa baahiyey sida shacbiga reer Somaliland u muuneeyeen isla markaana caasimadda Hargeysa ay u qabsadeen sawirrada Madaxweyne Alpha Condé iyo calanka dalkaasi. Kadib markii dawladda Guinea ay  meeqaam iyo hab-maamuus aad u sarreeya ku soo dhaweysay  Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada ku tagay toddobaadkii hore  Magaalada Conakry.

Warbixin uu qoray  Warsidaha Mediaguinee.org, oo faahfaahiyey  sida shaaricyada Hargeysa loogu sharraxay   sawirrada Madaxweynaha  Guinea iyo calanka dalkaasi.

Shabakadda Mediaguinee.org waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Alpha Conde oo kaliya aanay muwaadiniinta reer Somaliland u mahadcelin, hase ahaatee ay bogaadiyeen shacbiga reer Guinea oo dhan.

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisii ayaa habmaamuuskii ugu sareeyey loogu qaabilay dalka Guinea, Waxaana  weftiga Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda Guinea isku raaceen sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi Ganacsi iyo mid  Dhaqaale, taasi oo sas  iyo walaac ku abuurtay Xukuumadda maqaar-saarka ah ee Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO WARBAAHINTA GUINEA

Alpha Condé et la Guinée célébrés au Somaliland

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY