Warbaahinta Dunida Oo Indhaha Ku Soo Jeedisay Somaliland

0
1048

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warbaahinta dunida ayaa indhaheeda ku soo jeedisay Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shacabkeedu Isniinta beri 13 November u dareerayaan doorashada madaxtooyada.

Warbaahinta dunidu waxay aad u falanqaysay ahmiyada doorashada iyo sida ay kor ugu qaadi doonto sumcada Somaliland. Warbaahintu waxa ay hoosta ka xariiqday in saddexda murashax ee tartamaya nin kasta oo guulaystaa uu la kulmayo dal dhaqaalihiisu aad u liito.

AFP

Wakaaladda wararka ee AFP waxay tidhi “Jamhuuriyadda la baxday Somaliland waxa ay Isniinta dooran doontaa madaxweyne, iyagoo ku rajo weyn inay sii wadi doonaan isbedelo dimuqraadiyadeed oo awooda lagula kala wareego, taas oo gaar uga saartay jaarkeeda qasku ka jiro ee Somaliya.”

Wakaaladu waxay xustay in Somaliland oo xorriyadeeda la soo noqotay sannadkii 1991 ay tahay meel aad u nabdoon oo degen, balse raadinaysa ictiraaf caalami ah. Saddexda murashax ayaa kala ah Muuse Biixi Cabdi oo KULMIYE ah, Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ah iyo Faysal Cali Waraabe oo UCID ah oo isagu tartamay laba doorasho ooh ore.

Wakaaladda AFP waxa kale oo ay xustay go’aanka ay guddigu doorashadu xayiraadda ku saarayaan baraha ay bulshadu ku xidhiidho ka dib maalinta doorashada, xayiraadda oo socon doonta ilaa inta natiijada lagu dhawaaqayo. Ururka Xuquuqal insaanka madaxabanaan ayaa laakiin cambaareeyay talaabadaas guddiga doorashooyinku qaadeen.

Xinhua

Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa baahisay in shacabka Somaliland Isniinta u dareerayaan doorasho dhawr goor ay abaaro iyo waxyaabo kale dib u dhigeen taas oo ay ku tartamayaan saddex murashax.

Wakaaladu waxay xustay in saddexda murashaxba ololahooda diiradda ku saareen dhiirigelinta aqoonsiga Somaliland, horumarinta waxbarashada, maaraynta shaqo la’aanta iyo sicir bararka iyo weliba sidii looga hortagi lahaa abaaraha.

Wakaaladu waxay xustay in dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin in mid kasta oo ka mid ah saddexdan murashax oo guulaystaa uu dhaxlayo dal dhaqaalihiisu aad u liidato kaas oo ku tiirsan xoolaha nool.

Washington Post

Wargeyska caanka ah ee Washington post ayaa qoray qormo ay qoreen falanqeeyayaal aqoon u leh gobalka Geeska Afrika gaar ahaan Somaliland. Qormadan waxa lagu sheegay in caqabadaha u waaweyni bilaabmi doonaan marka ay doorahadu dhammaato ee la shaaciyo murashaxa guulaysta oo uu wargeysku tilmaamay inuu dhaxli doono dal dhaqaale ahaan ciir-ciiraya.

Wargeysku wuxuu yidhi, “Saddexda murashaxba waxay doodahooda isku mawqif kaga noqdeen baahida loo qabo horumarinta tacliinta, la dagaalanka shaqo la’aanta iyo dhiirigelinta aqoonsiga Somaliland.”

Wargeyska oo sii sharaxaya aragtidan saddexda murashax wuxuu sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu balan qaaday inuu kor u qaadi doono ka qayb galka haweenka ee siyaasadda islamarkaana uu soo saari doono in dhallinyarada jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka baxdaa ay qabtaan wixii la odhan jiray shaqo qaran.

Cabdiraxmaan-Cirro ayuu wargeysku sheegay inuu balan qaaday inuu meesha ka saari doono dib u dhaca doroashooyinka islamarkaana uu xoojin doono awoodda baanka dhexe si loola dagaalamo sicir bararka.

Faysal Cali Waraabe, ayuu isna wargeyska Washington post sheegay inuu balan qaaday in dawladu farogelin ku samayn doonto dhaqaalaha si 15% ka mid ah miisaaniyadda dalka loogu leexiyo daryeelka caafimaadka.

Qormadan lagu qoray Washington post waxa lagu sheegay in murashaxa doorashada ku guulaystaa uu waajihi doono caqabado dhawr ah doorashada ka dib, taas oo ah dal dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba ciirciiraya oo dhaqaalihiisu ku xidhanyahay xoolaha nool iyo lacagta dibadda laga soo diro.

Wargeyska Washington post isagoo ka hadlaya madaxweynaha cusub ee la dooranayo iyo caqabadaha haysta wuxuu yidhi “Madaxweynaha cusubi waxa uu sida oo kale la wareegi doonaa dawlad ah nooca tii uu xeeldheerihii cilmiga siyaasadda ee Kenneth Menkhaus ku sheegay, “Qaran fashilmay oo shaqaynaya” kaas oo leh ‘tamar aad u kooban’ haddii aynu si kale u nidhaahno, dawladnimadu waa ay shaqaynaysaa, nidaam iyo kala dambayna waa ay keentaa xukuumaddu, sida oo kale waxoogaa koritaan dhaqaale ah ayaa jira, laakiin waxa aad u liita kartidii waxqabad ee dawladnimada, waxaa aad u hooseeya nidaamkii hay’adeed, miisaaniyaddiina aad ayaa ay u liidataa.”

Si kastaba ha ahaate doorashadan madaxtooyada Somaliland waxay ay indhaha dunida ku soo jeedisay Somaliland, haddii ay doorashadu jawi wanaagsan oo nabadeed oo xor iyo xalaal ah u dhacdana waxa hubanti ah inay kor u qaadayso sumcadii Somaliland ay dunida ku lahayd.

Geeska

LEAVE A REPLY