Warbaahinta caalamka oo si naxdin leh uga hadashay geerida Hodan Naleye

0
951

Qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn caalamka, gaar ahaan kuwa Canada iyo Mareykanka ayaa si weyn u falanqeynaya geeridii ku timid Hodan Naleye, oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay weerarkii maalintii Jimcada ka dhacay magaalada Kismaayo.

Wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka iyo telefishinka CBS ee dalka Canada iyo warbaahin kale oo aad u farabadan ayaa wararkooda ugu waaweyn kusoo daray sheekada ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkii Kismaayo, waxayna si gaar ah diiradda saarayeen Hodan Naleye, oo ay geerideeda ku qeexeen mid naxdin leh.

Telefishinka iyo Idaacadda ugu weyn dalka Canada ee lagu magacaabo CBC ayaa sidoo kale labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka hadlayay geerida Hodan, oo ahayd wariye ay dad badan ku tilmaameen qof ku dayasho mudan.

Hodan ayaa wajiga quruxda badan ee Soomaaliya u bandhigi jirtay caalamka

Duraan Xasan Yare oo ah suxufi ku sugan dalka Canada ayaa BBC-da u sheegay in geerida Hodan laga wada dareemay dalkaas.

“Marka laga yimaado dadka Soomaalida reer Canada ee sida weyn uga naxay geerida Hodan Naleye, waxaa kale oo aad iyo aad uga hadlay wargeysyada iyo warbaahinta waaweyn ee dalkan Canada”.

Waxa uu sheegay in maskaxda dadka ay wali ka go’I la’dahay naxdinta ay ka qaadeen geerida Hodan, iyadoo xitaa dadka aan Soomaalida ahayn ay qof walba oo Soomaali ah uga tacsiyeynayaan dhimashada Hodan .

“Sidoo kale waxaa jira abaabul ay wadaan dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Edmenton, kaasoo ah sidii duco iyo baroor diiq loogu sameyn lahaa Hodan Naleye”, ayuu yidhi Duraan.

Wariye Hodan Naleye oo ahayd gabar Soomaali ah, oo heysatay dhalashada dalka Canada ayaa lagu yaqaannay inay ol’ole u sameyn jirtay sidii caalamka loo tusi lahaa wajiga fiican ee Soomaaliya.

Muddo sannado ah ayey ku guda jirtay dadaal ay dadka caalamka ugu bandhigeysay dhinacyada wanaagsan ee Soomaaliya iyo quruxda waddanka, halka ay warbaahintu inta badan diiradda ka saaraan colaadda, abaaraha iyo waxyaabaha xun xun ee ka dhaca Soomaaliya.

Weerarkii lagu qaaday hoteelka ay ku sugneyd Hodan Naleye ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay seygeeda iyo 24 ruux oo kale.

Dadka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha xiriirka bulshada ku faafinayay sawirrada Hodan iyo muuqaallo horay looga duubay, waxayna muujinayeen sida ay uga xumaadeen geerideeda.

Hadallada ugu badan ee lagu xasuusto Hodan Naleye waxaa ka mid ahaa inay mar walba sheegi jirtay in ay dooneyso sidii ay dadka Soomaaliyeed iyo jiilasha ka dambeeya uga tagi lahayd dhaxal wanaagsan oo ku saabsan wanaagga dalkooda Soomaaliya, ujeeddadeeduna aysan ahayn inay caan baxdo ama ay lacag hesho.

Waxyaabaha kale ee ay ku dadaali jirtay waxaa ka mid ahaa inay dadka qurbajoogta ah ku dhiirrigalin jirtay barashada Af-Soomaaliga.

Hodan ayaa ifka uga tagtay labo carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo kala ah labo wiil.

BBC

LEAVE A REPLY