Warbaahin Caalami Ah oo Soo Bandhigtay Ujeeddada Safarkii Taliyaha Ciidanka Mareykanku Ku Yimi Somaliland

0
1438

Paris (Hargeisa Press) – Wakaaladda Wararka Voltaire Network oo si joogto ah loogu baahiyo wararka iyo  warbixinaha Caalamka oo ka kooban 17 Luqadood, ayaa warbixin kooban ka diyaarisay Socdaal uu toddobaadkan Somaliland ku yimi Taliyaha Hawl-galka Ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend oo ay weheliyaan saraakiil kale iyo Safiirka Mareykanka, ayaa Khamiistii Socdaal ku yimi Somaliland, waxaanay kulan la qaateen madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada iyo taliyeyaasha ciidamada Qaranka, ka hor intii aanay socdaal indho-indhayn ah ku tagin Gegida Diyaaradaha iyo Dekedda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay natiijada kulanka dhexmaray weftiga Mareykanka, ayaa sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee uu kala hadlay tahay xoojinta xidhiidhka labada waddan iyo iskaashiga dhinaca amniga.

Haddaba, wakaaladda wararka ee Voltaire Network oo xarunteedu tahay dalka Faransiiska, ayaa warbixinta ay ka qortay socdaalka Sarkaalka ugu Sarreeya Ciidamada Mareykanka ee Afrika ku tilmaamay qorshe Mareykanku ku doonayo inuu Saldhigga Milatari ee Berbera ku doorsado Aqoonsi Caalami ah oo Somaliland hesho.

Waxa warbixinta lagu sheegay in Jeneraal Stephen Townsend uu qorshaynayo sidii uu qaaradda Afrika ugu rari lahaa Taliska Guud ee hawl-galka AFRICOM oo xilligan xaruntiisu ku taallo dalka Jarmalka, taasina ay tahay sababta Mareyanku u danaynayo Saldhigga Milatari ee Berbera.

Ciidammada Mareykanka, ayaa saldhigyo Milatari ku leh dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ka mid ah dalalka AFrika ee xidhiidhka Dhaqaale ka dhexeeyo Dalweynaha Shiinaha.

“Taliyaha AfriCom General Stephen Townsend weli kuma guuleysan in uu Taliska ciidamadiisa u wareejiyo qaarada Afrika maadaama oo xilligan xaruntoodu tahay Jarmalka. Taas awgeed, waxa uu si qarsoodi ah uga soo muuqday Somaliland xilli uu ku guda-jiray safarkii uu ku soo maray Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya,” sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta oo intaas ku dartay in qorshaha Mareykanku ka leeyahay saldhigga Milatari ee Berbera yahay qorshe siyaasadeed oo salka ku haya dano siyaasadeed oo labada waddan is-dhaafsadaan.

“Ujeedada Washington waxay noqon kartaa in ay aqoonsi caalami ah siiso Somaliland si ay ugu beddeshaan saldhigga milatari ee Maraykanku ka samaysanayo dhulkooda,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay qortay wakaaladda wararka ee  ‎Voltaire Network.

Isbahaysiga Reer Galbeedka ee Mareykanku hoggaamiyo oo cabsi xooggan ka qaba saamaynta uu Shiinuhu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika, ayaa danaynaya inuu saldhig Milatari ka samaysto Garoonka diyaaradaha ee Berbera oo dib-u-casriyeyn lagu sameeyey.

Xiisaha Mareykanku u qabo saldhig Milatari oo uu ka samaysto garoonka diyaaradaha ee Berbera, ayaa sababtay in dowladda Mareykanku marti-qaad u fidisay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo badhtamaha bishii March ee sannadkan socdaal ku tagay magaalada Washington ee Xarunta dalka Mareykanka, waxaanu weftigu kulamo kala duwan la qaatay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxaanay labada dowladood kala saxeexdeen heshiisyo iskaashi oo dhexmara labada waddan.

Mooshinno Sharci oo ay soo saareen Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal Baarlamaan ee Mareykanka, ayaa loogu soo jeediyey xukuumadda Washington inay aqoonsi buuxa siiso Somaliland si looga hortago saamaynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Dalka Shiinuhu ku yeeshay mandaqadda Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here