Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaaladda Magaaladda Beledweyne

0
1275

Beledweyne (Hargeisa Press): Waxaa weli cakiran xaaladda nololeed iyo mida isku socodka ee magaaladda Beledweyne kadib Daadadkii kaga soo fahatay webiga Shabeele oo khasaare nafeed iyo mid maalba gaadhsiiyay bulshadda ku nool magaaladaasi.

Inkastoo la soo sheegayo in ay jirto in ayhoos u dhaceen biyihii magaaladda dhex fadhiyay, iyadoo sidoo kale-na ay  weli roobab ka da’ayaan degaamadda gobolka Hiiraan.

Waxaana jirtay in saaka guddiga gurmadka fatahaadaha iyo Daadadka ee dawladda federaalka ay Beledweyne ugu qaybiyeen kumanaan qoys Teendhooyinka laga gallo roobka iyo qoraxda iyo sidoo kale Buskudka nafaqadda sare leh.

Ganacsatadda Soomaalida ayaa lacag dhan hal milyan oo dollar ugu deeqay in wax lagaga qabto  dhibaatadda fatahaadaha iyo Daadadku ay ka dhaliyeen koonfurta Soomaaliya.

Guddi ay dhawaan u saartay rugta ganacsiga ee Soomaaliya ayaa  sheegay in hadda ay  wadaan qaybinta lacagihii ay ku deeqeen ganacsatadda Soomaalidu.

Iyadoo lacagaha ugu badan ay bixiyeen shirkadaha Dahabshiil iyo Hormood. Shaqaale ka tirsan labadaas shirkadood ayaana saaka qaybinta alaabahaasi ka qayb gelayay, magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa jira gurmad caafimaad oo ay samaynayaan dhakhaatiir kala duwan. Shalay waxaa Beledweyne gaadhay guddi ka socday ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo Muqdisho ka baxay.

Kuwaasoo uu hogaaminayay Dr. Maxamed Yuusuf, oo ah agaasimaha cusbitaalka Madiina ee magaaladda Muqdisho. Ahna guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Waxanay dhakhaatiirtaasu ku biirayaan, isla markaana ka qayb qaadanyaan  gurmadka caafimaad ee laga waddo gobolka Hiiraan.

 Saamaynta Waxbarashadda:

Daadadka iyo fatahaadaha kumanaanka qof ka barokiciyay Beledweyne waxay saameeyeen dhinaca waxbarashadda, iyadoo dugsiyadu ay xidhnaayeen dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyay dusgiyadu way xidhnaayeen.

Ilaa saddex todobaad ayay galeen markii fatahaaduhu ku soo rogmadeen Beledweyne waxaana istaagay dhamaanba adeegyadii waxbarasho, kadib markii ay barokaceen inta badan qoysaskii deganaa magaaladda Beledweyne.

Waxaanay biyuhu galeen dhismeyaashii wax lagu baranayay, in ka badan 80 iskuul , ilaa 6 jaamacadood ayaa xidhan, tan iyo badhtamihii bishii October ee ina dhaaftay.

Taasoo sababtay in ardaydii iyo macalimiintiiba ay ka mid noqdeen kumanaanka qof ee ka barokacay Beledweyne, kuwaasoo hadda ku sugan dhulka sare ama taaga ah ee ku dhaw magaaladda.

Digniinta Caafimaad Darro Ka Soo Fool Leh Beledweyne:

Hay’adda bisha Cas ee caalamiga ah ayaa  ka dayrinaysa xaaladda caafimaadka ka soo fool leh magaaladda Beledweyne. Waxaanay  bisha Cas sheegtay in khatar loogu jiro in cuduradda Malaariyadda, Shuban-biyoodka iyo cuduradda kale ee faafa  ay degaanka ka dilaacaan.

Geesta kale magaaladda Baydho ee xarunta gobolka Baay, waxaa maanta ka degay dhawr diyaaradood oo waday raashin iyo alaabooyin kale oo loogu gurmanayo dadka ay Daadadku saameeyeen ee ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gaar ahaan degmadda Berdaale ee gobolka Baay, oo Daadad xoog badani ay ku soo rogmadeen horaantii ilaa badhatamihii bishii October ee ina dhaaftay.

Dhinaca kale waxaa baaqday wefti ka socday xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya oo maanta ka tegi lahaa magaaladda Muqdisho una bixi lahaa magaaladda Beledweyne, si ay ugu biiraan gurmadka loo samaynayo dadka ay dhibaatadu ku dhacday.

Mana jiro war rasmiya oo ka soo baxay axsaabta mucaaradka oo la xidhiidha waxa sababay baaqashadoodda Beledweyne.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY