Khartoum (Hargeisa Press)- Kumanaan qof, ayaa Arbacada maanta ah ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartoum iyada oo uu maalintii shanaad galay dagaalka u dhaxeeya milateriga iyo ciidamada sida milateriga u tababaran, kaasi oo ay ku dhinteen qiyaastii 200 qof, kadib markii ay burburtay xabbad-joojin 24 saac ah.
Rabshadaha, ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal ee xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala ah; madaxa ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Mohamed Hamdan Daglo oo hoggaamiya ciidamada sida milateriga u tababaran ee Dacmu Sariic.
Waxa uu ka dambeeey khilaaf xooggan oo dhex-maray Burhan iyo Daglo oo ku aaddan qorshe ciidamada Dacmu Sariic loogu dhex dari lahaa ciidamada milateriga — taasi oo shuruud muhiim u aheyd heshiis kama dambeys ah oo dib loogu soo celin lahaa dimoqraadiyadda Sudan.
Qaraxyo xooggan, ayaa ku habsaday dhismooyinka iyada oo rasaas xooggan laga maqlayey Khartoum, waxaana goobjoogeyaal ay sheegeen in qiiq uu qabsaday hawada.
Ciidamada Dacmu Sariic oo wata gawaadhda gaashaaman iyo gawaadhi xamuul oo hub ay ka buuxaan, ayaa lagu arkayey waddooyinka, halka diyaaradaha dagaalka ee milateriga ay duqeynayeen bartilmaameedyada Dacmu Sariic ama RSF, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.
Shacabka weli ku jira guryahooda, ayaa quus taagan, iyada oo cunnada ay haystaan ay sii yaraaneyso, biyo la’aan ay jirto, islamarkaana korontada ay go’an tahay.
Rajadii ay ka qabeen in la daadgureeyey, ayaa meesha ka baxday markii xabbad-joojin bani’aadannimo oo 24 saac aheyd ay burburtay daqiiqado yar un kadib xilligii lasoo jeediyey inay billaabanto saacaddu markii ay aheyd 7-dii habeennimo.
Shacabka qaarkood, ayaa sida ay goobjoogeyaal sheegeen si iskood ah u billaabay inay guryahooda Khartoum ka cararaan, qaar ayaa ku safrayey gawaadhi, halka kuwa kalena ay lugaynayeen oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Goobjoogeyaasha, ayaa sheegay in meydadka ay daadsan yihiin waddooyinka.
Dagaalka, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 185 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 1,800 qof, sida ay sheegtay QM.
Hase yeeshee tirada rasmiga ah, ayaa la rumeysan yahay inay intaas aad uga badan tahay iyada oo kuwa badan oo dhaawac ah ayna gaadhi karin cisbitaallada oo qaarkood sidoo kale la duqeeyey.
Qaar ka mid ah dowladaha dunida, sida Japan iyo Mareykanka, ayaa billaabay qorshe ay kumanaan ajaaniib ah uga daadgureyanayaan dalka, oo ay ku jiraan shaqaalaha QM.
Kadib markii xabbad-joojinta ay burburtay, milateriga, ayaa ku eedeeyey “maleeshiyada mucaaradka ah” inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan, ayna sii wadaan “dagaalka xarumaha ciidanka iyo garoonka diyaaradaha.”
Kooxda Dacmu Sariic, ayaa farta ku fiiqday milateriga “inay ku xadgudbeen” islamarkaana jebiyeen xabbad-joojinta iyaga oo billaabay “weerar aan kala sooc laheyn” oo ka dhan saldhigyada ciidankeeda ee hareeraha caasimadda.