Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dibadbaxyada Somaliland

0
1427

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dibadbaxyo ay rabshado ka dhasheen, ayaa saaka ka dhacay magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee ka tirsan Somaliland.

Dibadbaxa waxaa hore u shaaciyay xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ka gadoodsan hannaanka maareynta doorashada madaxweynaha iyo diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Wararka, ayaa sheegaya in xaaladdu ay faraha ka baxday, taas oo keentay in ciidamada ammaanku ay rasaas u adeegsadaan qaar ka mid ah dibad-baxayaasha, taas oo dhalisay khasaare kala duwan, walow aan la caddeyn karin tiro ahaan inta ay gaadhsiisan tahay.

Dibadbaxa, ayaa lagu soo waramayaa in ilaa iyo hada ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex Qof, Halka Dhaawacyadu iskugu jiraan Shicib iyo Askar oo aan tiradooda wali la xaqiijin.

Waxaa sidoo kale saaka guud ahaan Somaliland laga jaray khadka internet-ka, iyadoo dadku ay saaka adeegsan kari waayeen baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xidhan internet-ka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor yimaadeen.

Si kastaba dibadbaxyadan, ayaa ku soo beegmaya, iyada oo uu fashil ku soo dhammaaday wada-hadalladii u dambeeyay ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo mucaaradka, si xal looga gaadho xiisadda taagan ee ka dhalatay muranka hadhheeyay hannaanka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here