Wararka U Dambeeyay Ee Socdaalka Madaxweyne Biixi Ku Joogo Addis Ababa

0
608

Hargeysa(HargeisaPress)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wuxuu ku gudo jiraa maalintii labaad ee booqashada uu ku joogo dalka Itoobiya.

Madaxweyne Biixi oo ay dawladda Itoobiya si diiran ugu soo dhawaysay Addis Ababa, ayaa waxa ay warar xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika in ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi la xidhiidho qorshe uu Madaxweynuhu ku doonayo inuu kula kulmo qaar ka mid ah madaxda Afrikaanka ee  ka qayb gashay shirka Madaxweynayaasha Afrika oo shalay Addis Ababa lagu soo gunaanaday, kuwaas oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo shalay la wareegay madaxtinimada wareegta ee Midowga Afrika.

Kulamadan uu Madaxweyne Biixi doonayo inuu ku arko qaar ka tirsan Madaxweynayaasha Afrika, ayaa waxa la sheegay inay Madaxweyne Biixi ka caawinayaan diblomaasiyiin shisheeye, laakiin weli lama hayo war rasmi ah oo xaqiijinaya cid ka tirsan madaxda Afrika oo uu Madaxweyne Biixi la kulmay, waxase uu kulamo kale la yeeshay diblomaasiyiin kale iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay weftiga Somaliland kulan yeesheen.

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijiyeen inaanu jirin wax kulan ah oo Addis Ababa loogu qorsheeyay inuu ku dhex maro Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo oo isna Addis Ababa u jooga shirka Midowga Afrika. Laakiin wararka uu Geeska Afrika helay waxay intaas ku darayaan inay xubno diblomaasiyiin ah oo ka tirsan IGAD ay soo hadal qaadeen inay labada madaxweyne is arkaan, laakiin qorshahaasi ma hirgelin.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu sii joogo magaalada Addis Ababa, si uu u sii ambo qaada qorshaha uu ku doonayo inuu la kulmo madaxda Afrika qaarkood.

Geeska

LEAVE A REPLY