War-Sidaha Indian Ocean Oo Shaaciyay Ruushka Oo Saldhig Milatari Iyo Maalgashi Dhinaca Tamarta Ah Ka Samaysanaya Somaliland Iyo Dareenka Maraykanka

0
1447

Moscow, (HargeisaPress) —War-sidaha Xogaha Qarsoon ee Qaaradda Afrika baahiya ee Indian Ocean Newsleter ayaa sheegay in Michel Rubin oo ka tirsan Mac-hadka falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee American Enterprise Institute (AEI) ayaa dhawaan baahiyey qoraal dheer oo sir ah oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland iyo sida Maraykanku isha ugu hayo dhaqdhaqaaq kasta oo dalka Ruushku ku soo dego Somaliland oo ku taalla deegaan istaraatiiji ah, muddo horena ku dhawaaqday in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’day balse uu Maraykanku in muddo ah ka warwareegayay in uu aqoonsi rasmi ah siiyo.

Michel Rubin oo ka mid ahaan jiray saraakiisha sarsare ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ee Pentagon warbixino siyaasadeed iyo kuwo Milatarina ku qora Wargeysyada ugu waaweyn Maraykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Maraykanku wakhtigan siyaasad ahaan daraasaynayo sidii uu usii laban laabi lahaa danihiisa Geeska Afrika iyo sidii aanu fursad u siiyeen dalalka quwadaha waaweyn ee Ruushka iyo Shiinuhu ka mid yahay kuwaasi dhinacooda danaynaya Geeska Afrika isla markaana doonaya in ay maal-gashi iyo saldhigyo Milatari ka samaystaan. Taasina Maraykanka ku khasbayo in uu Somaliland muhiimad gaar ah siiyo istaraatiiji ahaan wakhti Somaliland oo Soomaaliya inteeda kale ka go’day 1991 ku naaloonayso nabadgalyo marka laga yimaad Soomaaliya inteeda kale

Shabakadda baahisa xogaha sirdoon ee Indian Ocean Newsletter waxa ay sheegtay in doodda Michel Rubin ay tahay mid taagan waase bii yidhi haddii Maraykanku aad u qiimeeyo haddii sida xogaha lagu helayo uu waddanka Ruushku uu Maraykanka uga soo horreeyo Somaliland.

Shabakaddu waxa ay sheegtay in Michel Rubin oo maqaalkiisan ciwaan uga dhigay: ‘Dagaal Diblomaasiyadeed Oo Ka Bilaabma Geeska Afrika Waxa Uu Lama Huraan U Yahay Waddanka Maraykanka’ uu hoosta ka xarriiqay in ay soo baxeen dhawaan xogo sirdoon oo sheegaya in waddanka Ruushku doonayo in uu Somaliland ka dhisto saldhig Milatari iyo in uu Tamarta Somaliland ku maal-gashado lacag ka badan $250 Milyan oo Dollar wakhti Somaliland ay ka hawl-galaan shirkado sahaminaya Gaaska iyo Saliidda kuwaasi oo ay ugu weyn yihiin shirkado Norwegian iyo Ingiriis ah oo ay sahankan hogaaminayso shirkadda TGS-NOPEC. Waxa kale oo hawl-gallo ka wadda Somaliland shirkadda British-ka ah ee GENEL Energy Plc oo hawlo sidan oo kale ah ka wadda dalal kale oo ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Gobolka Kurdstan ee Ciraaq iyo meelo kale. Saliidda iyo Gaaska Somaliland lagu sheegay waxa ay door weyn ka qaadan doontaa danayn caalami ah oo Somaliland la daneeyo wakhti dunidu aad ugu baahan tahay oo ku tartamayso tamarta Gaaska.

Warbixinta waxa lagu sheegay in Maraykanku ku dadaalayo sidii aanu Ruushku u soo dageen Somaliland wax kasta oo ay ku qaadato marka laga hadlayo danayntiisa dalalka Geeska Afrika. Maraykanka ayaa dunida ku leh in ka badan 800 oo saldhig Milatari oo ku kala yaalla 70 waddan halka Ruushku wakhtigan dunida ku leeyahay Sagaal waddan oo kali ah waxaanu doonayaa in uu soo ceshado awooddiisa iyo saamaynta uu dunida ku leeyahay.

Foore

LEAVE A REPLY