War-saxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanka Waa in dalkiisa, Somaliland, lagu soo celiyaa Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan

0
1305

HargeisaPress — Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah muwaadin reer Somaliland ah waxa Booliiska Somaliland ay ka xidheen goobtii uu ka shaqaynayey oo ahayd xawaaladda Juba 11kii June 2014. Markuu dhawr maalmood ku xidhnaa Hargeysa kadib waxa loo sheegay qoyskiisa inaanu u xidhnayn dawladda Somaliland. Qoyskiisu markii danbe waxay ogaadeen in loo gacan geliyay Djibouti.

Masuuliyiinta Somaliland waxay warbaahinta u sheegeen in Cabdilaahi loo dhiibay Jibuuti. Xadhiga iyo dhibidiisuba waxay dhaceen kadib markii qarax is-miidaamis ahi ka dhacay maqaaxi ku taal Jibuuti, May 2014.

Qoyskiisu wax war ah kama ay helin Cabdilaahi. Dawladda Somaliland iyo ta Djibouti midna ma bixin wax xog ah oo la xidhiidha xaaladda uu ku suga yahay Cabdilaahi.

Dastuurka Somaliland wuxuu mamnuucay in qof u dhashay Somaliland loo dhiibo dal kale, sida ku cad qodobka 35(2)aad ee dastuurka.

Waxay masuuliyadi ka saaran tahay dawladda Somaliland inay si dhaqso ah ugu soo celiso Cabdilaahi dalkiisa isaga oo bedqaba. Qoyskiisu aad bay uga welwelsan yihiin. Hoyadii wax war ah kama ay helin inankeedii, mana jirto cid la hadashay oo u sheegtay inuu nool yahay iyo in kale. Waa xaalad aan gebi ahaanba la aqbali karin. Waxannu ku boorinaynaa ururada caalamiga ah ee u dooda xuquuqal insaanka inay u doodaan Cabdilaahi oo ku jira khatar wayn.

Djibouti waa mid ka mid ah dawladaha ugu keligiitalisnimada badan Geesk Afrika. Madaxwaynaha Jibuuti, Ismaaciil Cumar Geele, wuxuu awoodda dalka qabtay 1999. Waxa mar sadexaad dib loo soo doortay 2011 kadib markii uu dastuurka bedelay si uu awoodda us ii hayo mudo ka badan labada xilli ee dastuurku jideeyey. Warbixinada ay sameeyeen ururada caalamiga ah ee xuquuqal insaanku waxay sheegayaan in siyaasiyiinta la cadaadiyo lana xidho. Mudaharaada lagama ogola. Bulsho rayid ah oo madaxbanaani inay ka shaqaysona lama ogola. Ciidamada amaanka ee Jibuutina waxay galaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqal insaanka sida warbixinadu cadaynayaan. War-bixinada qaar baa sheegaya in maxaabiista qaar ay ku dhinteen xabsiga, iyo inay jiraan dad la waayo. Garsoorka Jibuuti ma madaxbanaana, mana jirto hab dacwad cadaalad ah lagu qaadi karo, sida ay sheegayaan warbixinada caalamiga ahi.

Cabdilaahi oo ka soo jeeda qabiil yar oo aan ku lahayn Somaliland awood siyaasadeed oo wayn waxa loo bar-tilmaameedsaday qabiilkiisa darteed. Waxa uu ugu muuqday dawladda inay u fududahay oo hadii loo dhiibo dal kale aanay jiri doonin cadaadis siyaasadeed oo dalka gudihiisa kaga kaca. Balse dastuurka Somaliland waxuu siinaya xoriyaad iyo xuquuqo aasaasi ah dhamaan muwaadininta Somaliland iyada oo aan la eegayn qabiilka qofku ka soo jeedo.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay sida ugu adag u canbaaraynaysaa dhiibista iyo haynta Cabdilaahi.

Dawladda Somaliland ayaa qaadaysa wax kasta oo ku dhaca Cabdilaahi. Waa in sida ugu dhaqsaha badan loo sii dayaa. Waana in qoyskiisa iyo ururada xuquuqal insaanka loo ogolaadaa inay la kulmaan.

 

Guleid Ahmed Jama

Chairperson

Human Rights Center

Hargeisa Somaliland

www.hrcsomaliland.org

dafac02@hotmail.com

+252 634 468227

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here