War-Murtiyeed Uu Soo Saaray Sarkaal Ka Tirsan UCID, Oo Qaab Sharciya Usoo Bandhigay Qodobada Uu Faysal Ku Waayay Guddoomiyenimada.

0
883
Mohamed Gacayte. Photo File

Hargeysa, (HargeisaPress) —Anagoo ka duulayna Xeerka UCID iyo Xeer Lam.14; Waxaanu Cadaynaynaa Inaanu Faysal Gudoomiye Ahayn, Lumiyayna Xilkii Gudoomiyenimo Kadib Markii uu Ku Dhawaaqay Musharaxnimo. Sida Ku Cad qodobadan soo socda:-

 

A). XEERKA UCID: Qodobka 27 aad. (Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka)

 

  1. Musharixiinta Madaxweyne iyo madaxweyn xigeen ee xisbiga waxa dooranaya Golaha dhexe ee xisbiga.
  2. Musharaxinimada jagooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo xubinimada hogaanka sare ee Xisbigu waay kala madax banana yihiin.
  3. Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto Hogaanka sare ee Xisbiga uma banaana in ay u tartanto Musharaxnimada jagada M/weynaha iyo ku-xigeenimada.
  4. Hadii xubin Hogaanka sare ka tirsani damacdo in ay u tartanto Musharaxnimada jagada M/weyne iyo ku-xigeenka waa in xubintu iska casishaa xubinimada Hogaanka Sare ee Xisbiga mudo 6 bilood ka hor ah Kal-fadhiga Golaha Dhexe ku dooranayaan Musharixiinta jagada Madaxweynaha iyo kuxigeenka

 

?. XEERKA AXSAABTA QARANKA.

XEER LAM.14/ QODOBKA12aad: Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga

 

  1. Qofna jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

 

  1. Xisbi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax ka badan.

 

Sidaas darteed Xoghayaha Golaha Dhexe Eng. Xasan Cismaan Sabce, Wuxuu ku Dhawaaqay in 6.Bisha Nov. La qaban doono Shirweynahii Xisbiga oo Waqtigiisii 2 bilood ka hadheen, 5 tii sano ay ku beegantahay Jan. 2017. Xaalada lagu jiro awgeed ayaa 2 bilood hore loogu soo dhigay maadaama waqtigii Doorashadu soo dhowyahay loona baahan yahay diyaar garow, Waxa lagama maarmaan noqotay inaan Xisbigu Hogaan La,aan socon karin.

Talaabadani ma saamaynayso Xukunkii Maxkamada; Fulintiisuna waa halkii. Waxaanay ku koobantahay Gudoomiyaha oo ku dhawaaqay si badheedh ah inuu Mar 3aad tartamayo, isagoo  sharci u ogolaanaya aanu jirin, jabiyayna Xeerkii UCID iyo xeer lam 14. Sidaas darteed Maadaama Faysal tiraba 2 teeram oo hore tartamay, Labada jeerna ku guul daraystay isagoo helay wax ka yar 20% codbixinta labada doorashada.

 

Xilka iyo waajibaadka Golaha Dhexe ayay ka mid tahay; Waana Hay’adda ugu saraysa Xisbiga mudada Labada shirwayne u dhaxaysa. Xoghayaha Golaha wuxuu gutay waajibaadkiisii sharciga ahaa. Xeerka UCID awooda lagu dooranayo Musharaxiinta waxa iska leh Golaha Dhexe; Kal-fadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee qabsoomay 28 Oct. 2012. Waxaana cod gacantaag ah lagu Ansixiyay Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharaxa Rasmiga ah; ku xigeenkiisana sida ugu dhakhsaha badan looga soo xulidoono Gobolada Bariga Somaliland.

 

UCID GUUL INSHA-ALLAH.

 

Allaa Mahad Leh.

 

Mohamed Aadan Gacayte

Sarkaal Golaha Dhexe Ucid

Gacayte09@gmail.com

Hargeysa. Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here