War-murtiyeed Laga Soo Saaray Kulankii Ra’iisal Wasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha Galmudug

0
696

Dhuusamareeb (HargeisaPress)- War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in R’iisal wasaare Xasan Cali Khayre oo maalmahan ba ku sugnaa maamulka Galmudug iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay wada hadallo midha dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrima la xidhiidha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

“Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisal Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan” Ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa kale oo lagu xusay in Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb”. Ayaa la raaciyay.

Waxyaabaha kale ee lagu heshiiyay ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug, si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.

Ururka Ahlu Sunnah oo dhawaan aqbalay qorshihii ay soo jeedisay Dowladda Federaalka ee ahaa in doorasho la qabto ayaa iyagu ka soo horjeedsaday Madaxweyne Xaaf, waxaana taasi ay keentay in Madaxweynaha Galmudug uu buriyo heshiiskii ay la galeen Ahlu Sunnah ee Jabuuti.

Inkastoo war murtiyeedka aanan lagu xusin mustaqablka siyaasadeed ee Madaxweyne Xaaf iyo waxa lagu dhameeyay tabashooyinkii kale ee uu qabay ayaa haddana waxaa muuqata in ugu dambeyn heshiis la gaadhay, taas oo markii hore ayna muuqanin, dad badan na ay walwal qabeen in gacan ka hadal uu yimaado.

Maamulka Galmudug oo laba dhinac u kala jabay ayaa in muddo ah uu khilaaf kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka, waxaana u dambeeyay maalmo kahor booqshada Kheyre oo Madaxweyne Xaaf uu soo saaray warqad uu madaxda Dowladda Federaalka kaga mamnuucayo inay yimaadaan deegaanada maamulkiisa.

Madaxdii asaastay golihii iskaashiga maamul Goboleedyada oo khilaaf ballaadhan uu kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ayaa waxa haatan ka dambeeya Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale Xaaf, waxanan la garaneyn waxa uu ku dambeyn doona iskaashigaas, maadaama Galmudug ay haatan doorasho galeyso, Jubaland na ay kusoo fool leedahay.

 

HargeisaPress News Desk 

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here