war deg-dega mudaharaad ka dhacay magaalada burco

0
906

Burco, (HargeisaPress) — Wararka ka imaanaya Deegaanka Gorgor ee ka Tirsan deegaanada Hoos yimaada Degmada Gaashaamo ee ismaamulka Somalida itoobiya ayaa sheegay in ciidanka liyuu Boolisku ay Dad rayid ah oo tiradooda lagu qiyaasay afar qof ay ku laayeen deegaankaasi Gorgor, Laynta dadkani ayaa ka dhalatay sida ilo Xog-ogaal ahi u sheegeen warbaahinta in la weydiiyey Shacabkaasi Hubkooda ay gaarka u lahaayeen Taasina ay sababtay in la laayo dadkaasi.

Hadaba Dadkaasi Rayidka ah ee ciidamada Ka amar qaata Madaxweynaha maamulkaasi Ina Ilay ay ku Laayeen Deegaankaasi Gorgor ayaa waxa ay ka Cadhaysiisay Qaar ka mid ah shacabka magaalada Burco kuwaasi oo ay eheladoodu ku Jireen dadkaasi la Laayey waxaana ay mudaharaad Cabasho oo ay ka hor dhigeen Xarunta maamulka Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco iyakoona cabasho balaadhan ka muujiyey Falalka arxan darada ah ee Ciidamada Liyuu Boolis ay ku laynayaan Shacabkani oo Asal ahaan ka soo jeeda somaliland.

Mudaharaadkaasi oo ka socday Afaafka hore ee Xarumaha madaxtooyada iyo Gobolka ayaa waxa ku sugnaa Xarunta aqalka madaxtooyada magaalada Burco Wasiirka arimaha Gudaha somaliland Cali maxamed Waran Cade waxaana uu si cad uga gaabsaday in uu dadkaasi Cabanaayey uu fadhiga uga Kaco isla markaasina uu ku qanyo in ay arintraasi ka xukuumad ahaan ay wax ka qabtaan Maadaama oo dadkaasi la laayey ay ka soo jeedaan asliyan Somaliland Balse ay deegaanada ay degaan ay ka Talowsan yihiin Xuduudka somaliland iyo Itoobiya ka wasiir ahaana uu masuul ka yahay Muwaadiniinta somaliland meelkasta oo ay joogaan wasiirka iyo Xubnihii wasiirada ahaa ee ku Sugnaa magaalada Burco ayaa waxa ay si dhuumasho ah ay goordhaweyd kaga baxeen Gudaha magaalada Burco.

Gabagabadii falalkani is daba jooga ah ee Ciidamada Liyuu Policeku ay ku hayaan Shacabka ku nool deegaanaasi ayaa ah Falal ay si weyn uga dhiidhiyeen Dadweyne Tiro badan oo ay ehel ahaayeen dadkaasi la laayey iyadoona ilaa hada aanay xukuumada somaliland wax jawaab oo buuxda ka bixin falalkani arxan darada ah ee ay samaynayaan ciidamada Maamulka Itoobiya.

 

Wixii waree kazoo kordha kala soco hargeisapress

 

Wariye sakariye cabdiraxamaan ibraahin

sakariye@faylasoof.tk

burco office

LEAVE A REPLY