War Deg-deg Ah Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Goor Dhaweyd Xabsiga Loo Taxaabay

0
1243

Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq SiciidHargeysa, (HargeisaPress) — Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa Goor dhawd  Xabsiga loo  taxaabay.
Ciidamada Booliska ee Magaalada Hargeysa ayaa Xabsiga u taxaabay Xogahaya Wakiilada , Waxaana uu ku xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa.
Xadhiga Xoghayaha Golaha Wakiilada ayaa waxa uu ka mid yahay Dagaalka Xukuumada Siilaanyo ku soo qaaday Golaha Baarlamanka Somaliland iyadoo maalinta bari ah isku diyaarinaysa inay si Xoog ah xilka uga qaado Gudooiyaha Golaha Wakiilada Soaliland Mudane Cabdiraxaan Maxaed Cabdilaahi Cirro, iyadoo ay Xarunta Baarlamanka la wareegeen Ciidamada Argagixisada ee RRU-da
Dhinaca kale Xaafadaha Kala duwan ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka socda Kacdoon ay Shacabka reer Hargeysa ku diidan yihiin Weerarka Qaawan ee Xukuumada Siilaanyo ku soo qaaday Golaha Baarlamanka Somaliland.

 

la soco Wararka ka soo kordha…

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here