Walaac Laga Muujiyay Xaalada Xuquuqal Insaanka Somaliland

0
770

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa walaac ka muujisay xaalada xuquuqda Aadanaha ee Somaliland, sida ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay maanta oo ku beegan 71st guurada maalinta Xuquuqda Aadanaha.

Xarunta Xuquuqal Insaanka (HRC) waxay sheegtay in sanadkan 2019-ka ay diiwaangalisay xadhiga 88 qof oo loo xidhay kiisas la xidhiidha xoriyada fikirka oo ay ku jiraan 29 suxufi iyo 57 qof oo aan suxufiyiin ahayn.

Wakhti xaadirkan Tifaftiraha Telefishanka Horn Cable TV, Cabdikadir Suleiman Oman ayaa xabsiga ku jira oo wajahaya eedo ay ku jiraan Fidinta Dacaayado Qaranka ka dhan ah, Baahinda Warar Been Abuur iyo iska dhagamarinta amaro dawladda ka soo baxay, sidoo kale waxa ku jira eedaha loo haysto Tifaftiraha HCTV baahinta war ku saabsanaa warqad cabasho ah oo shirkadd diyaaradeed ay kaga cabatay in la siiyey warar iska horimanaya xili ay soo dagaysay, ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo ku qornaa Afka Ingiriisiga.

Sidoo kale Eedaha Tifaftiraha HCTV uu wajahayo waxa ka mid ah Waraysi uu Siiyey Telefishanka Hogaamiye Maleeshiyo, ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland.

Sanadkan waxa kale oo albaabada loo laabay Xarumo Warbaahineed oo ay ka mid yihiin Foore, Horyaall 24 TV iyo  Eryal Tv, kuwaas oo bileysku ay ku xidheen warqad Wasiirka Warfaafintu uu soo saaray, halka Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ay amartay in la xayiro shabakada wararka ee Hadhwanaag News oo baahisay maqaalo ka hadlayey eedo musuqmaasuq oo ku wajahnaa gudoomiyaha bangiga dhexe, waxaanay maxkamadu amarkaasi ay ku dhaqaaqday iyadoo aan la dhagaysan dhinacyada. Saddex wariye oo ka tirsan Hadhwanaag news ayaa xabsiga loo taxaabay, kadibna waxa lagu sii daayey damiin, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ay soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanku.

Dhinaca kale waxa 17-kii November la xidhay saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ay ku jiraan Afhayeenka xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha Xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi.

http://hrcsomaliland.org/human-rights-centre-expresses-concern-over-the-human-rights-situation-of-somaliland/

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY