Wakiilka Somaliland U Jooga Waddanka Ireland Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Aqalka Baarlamaanka Ireland. + SAWIRRO

0
955

Hargeysa, (HargeisaPress) – Wakiilka Jamhuriyadda Somaliland U Fadhiya Wadankaasi Mudan C/RAXMAN Maxamed Adan Dheri  Waxa Mudadii Uu Socday Kulankaaasi Isaga Iyo Xildhibaanada PARLAMNAKA Uu Warbixin Qoto Dheer Ka Siiyay Xaaladda Guud Ee Dalka Somaliland Iyo Halka Ay Haatan Wax Marayaan, Talaabooyinka Horumarineed Ee Ka Tis Qaaday Iyo Maraaxilkii Hanaanka  Dimoqraadiyadeed Ee Dalku Soo Maray.

Halka Ay Geesta Kalana Wakiilka Iyo Xildhibaanadu Iska Xog Waraysteen Talaabooyinka Kor Loogu Qaadi Karo Xidhiidh Wada Shaqayneed Oo Dhex Mara Labada Dhinac.

Wakiilka Somaliland U Jooga Wadanka Ireland Oo  Bilihii Ugu Danbeeyay Ku Hawlanaa Kulamo Isdaba Joog Ah Oo Ku Saabsan  Sidii Uu Xidhiidh Isu Soo Dhowaansho  Uga Dhex Abuuri Lahaa Haydaha Caalamiga Ah Ee Ka Jira Dalkaasi ,Jaamacadaha ,Iyo Hay Adaha Caafimaad,Wax Barasho Baayac Mushtari,Ee Ka Hawlgala Wadaankaasi Iyo Jamhuuriyadda Somaliland,Kuwaasi Oo Ay Qayb Ka Ahaayeen Hay;Adda Corncen International Iyo Sidoo Kale Hay’adda  Trocaire.

Wakiilka Somaliland U Jooga Wadanka Ireland Mr Craxman M Aadan Dheri,Waxa Intii Hawlahaasi Ku Guda Jiray Dhinacyada Uu Sidoo Kale Kulamada La Qaatay Qayb Ka Ahaa Hay;Adda Iresh Aid,Taasi Oo Ay Wada Xaajood Ka Yeesheen Sidii Somaliland Ay Kaalmo Dhaqaale Uga Heli Lahayd.Halka Sidoo Kalena Kulan Dhex Maray  Masuuliyiinta Jaamacadda Trinity College Ay Si Fiican Usoo Dhoweeyeen Qodobadii Wakiilku Ugu Soo Bandhigay Kulankooda Isla Markaana Isku Af Garteen Xidhiidh Caawimo Iyo Wada Shaqayneed Oo Dhexmara Trinity College Iyo Jaamacadaha Somalilaland

 

LEAVE A REPLY