Wakiilka Somaliland Ee Taiwan oo Kulan La Qaatay Ganacsato Danaynaysa Maalgashiga Somaliland

0
2775
Taipei (Hargeisa Press) – Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Taiwan Amb. Maxamed Cumar Xaaji ayaa kulan xog waraysi ah la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Taiwan ee danaynaya maalgashiga Somaliland.

 

Kulankan oo ahaa mid midho dhala ayaa diirada lagu saaray fursadaha maalgashi ee Ganacsatada Taiwan uga banana Somaliland iyo sidii xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland uu u noqon lahaa mid cago adag ku taagan oo dhinacyo badan ay iska kaashadaan labada dal.

Sidoo kale, Madaxa Golaha Horumarinta Ganacsiga Dibedda ee Taiwan (TAITRA), Md. James Huang, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Maxamed Xaaji, waxaanu Ambassador-ka uga warbixiyey Ururka TAITRA oo ah urur dawli ah oo ka shaqeeya horumarinta iyo hirgalinta ganacsiga is dhaafsiga iyo maalgalinta ee Taiwan, kaas oo ka hawlgala in ka badan 40 dal.

Dhinaca kale, 12-kii bishan October ayaa Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-Wen waxa ay ku qaabishay Safiirka Somaliland Amb. Mohamed Omar Hagi Mohamoud qasriga Madaxtooyada Taiwan.

Madaxweynaha Taiwan ayaana rejo wanaagsan ka muujisay xidhiidhka labada dhinac ee mustaqbalka labada waddan.

Waxa ay intaasi ku dartay in mustaqbalka la bilaabi doono hirgelinta mashaariic iskaashi oo kala duwan si loo xoojiyo saaxiibtinimada labada shacab.

Waxa ay xustay in dalkeedu diyaar u yahay hirgelinta qorshe saaxiibtinimo oo ay labada waddan isaga kaashanayaan sidii ay siyaasad ahaan isaga taageeri lahaayeen fagaarayaasha caalamka.

Bishii February ee sannadkan, ayaa Taiwan iyo Somaliland kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo suurto-galiyey in labada dhinacba ay xafiisyo dibloomasiyadeed ka kala furteen caasimadaha Hargeysa iyo Taipei. Dalka Taiwan, ayaa xafiiskoodii u horreyey ka furtay Somaliland 17-kii Aug 2020, halka Somaliland xafiiskeeda ka furtay dalkaas 9-kii September ee sannadkdan 2020-ka.

LEAVE A REPLY