Wakiilka Qarammada Midoobay oo ka Hadlay Qoddob uu ku Dhiirigeliyey Masuuliyiinta Somaliland

0
672
James Swan

“Waxaan ku dhiirigeliyey Madaxda Somaliland in la sii Wado Wadahadalka u Dhexeeya Dawladaha Hargeysa iyo Muqdisho”

New York(HargeisaPress)-Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr. James Swan ayaa warbixin uu Khamiistii  ka horjeediyey Golaha Ammaanka waxa uu ku soo qaaday booqashadiisii u horreysay ee uu ku tagay Somaliland iyo qoddobadii uu kala hadlay madaxda Jamhuuriyadda Somaliland.

James Swan wuxuu sheegay inuu booqasho laba malamood qaadatay uu ku tagay Somalland 27kii illaa 28kii July 2019. Waxaannu yidhi “Waxaan booqday Somaliland 27 ilaa 28kii July ee la soo dhaafay waxaan la yeeshay  Madaxda Somaliland wadatashiyo isbarasho ah.”

“Waxaan ku dhiirigeliyey in la sii wado wada hadalka u dhexeeya dawladaha Hargeysa iyo Muqdisho si looga gun gaadho dedaaladii hore,”Ayuu yidhi Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here