Wakhtima Ayuu Fulayaa Heshiiskii Somaliland iyo Kenya?

0
2560

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay halkay ku dambeeyeen qodobbadii ay Somaliland iyo Kenya ku heshiiyeen dhammaadkii sannadkii hore, iyadoo labada Madaxweyne ay heshiiskaas kala saxeexdeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ahna ku simaha Wasiirka oo wax laga weydiiyay halka uu ku dambeeyay heshiiskii labada dal ay wada galeen dhamaadkii sannadkii hore iyo sababtu u hirgeli waayay ilaa hadda, ayaa waxaa uu sheegay in aan la odhan karin in wax natiijo ahi ka soo bixin heshiiskii ay wada gaadheen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya oo uu meel fiican marayo, qaarkoodna gabagabo marayaan.

Waxaanu wasiirku sheegay in dhawr qodob lagaga wadahadlay kulanka labada Madaxweyne oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen inay Kenya xafiis ka furato Somaliland iyo inay Kenya Airways ay shaqo ka bilawdo ama duulimaad ka bilawdo Somaliland.

Sidoo kale, wasiirka, ayaa sheegay inta aanu sannadkani dhammaan ay xukuumad ahaan rajeynayaan in saddexdii qodob ee lagu heshiiyay ay fulaan, isagoona tilmaamay in heshiisku uu noqonayo heshiis siyaasadeed islamarkaana fulintiisu ku xidhan tahay danaha labada dal.

“Lama odhan karo wax natiijo ahi kamay soo bixin, ee kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Kenya ku kulmeen oo ahaa kulana guula, dhawr qodob ayaa lagaga wada hadlay oo ay ka mid ahaayeen inay Kenya xafiis ka furato Somaliland iyo inay Kenya Airways ay shaqo ka bilawdo ama duulimaad ay ka bilawdo Somaliland, hawshaasina meel fiican bay maraysaa, xidhiidhada ay Dawladduhu galaan waxay u baahan yihiin in farsamo ahaan lagu heshiiyo, markaas  hawshaasi meel fiican bay marayaan qaarkoodna gabgabo ayay marayaan, sannadkana inta aanu dhammaan waxaanu rajeynaynaa in saddexdii qodob ee lagu heshiiyey inay fulaan, mar heshiisku wuxuu noqonayaa heshiis siyaasadeed marna fulintiisu danaha labada dal ayay ku xidhnaanaysaa, markaas hawshaasi meel fiican bay maraysaa”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland.

Mar uu ka hadlayay xidhiidhka labada dal wuxuu yidhi “Wuxuu caawin doono ama badhi taari doonaa xidhiidhkii labada dawladoodba oo Wasaaradaha labada dhinac ayuun buu kana badhi taari doonaa, maadaama Baarlamaanku ay matalaan Shacabka, markaas waxay noqon doonaan biriishkii isku xidhayey labada ummaddadood, dhanka dhaqaalaha, arrimaha bulshada, siyaasadda, wuxuu wax ku soo kordhin doonaa xidhiidhkii labada dalwadood, ee dhinaca fulinta”.

Wasiirka oo mar wax laga weydiiyay Xafiiska ay Kenya ka furan lahayd Somaliland iyo waliba duulimaadkii ay ka bilaabi lahayd halkuu ku dambeeyay, ayaa waxaa uu sheegay in diyaarada Kenya, wefti u soo dirtay Somaliland oo duulimaadkeedii ay cayimeen islamarkaana xafiiskii ay Somaliland ka furan lahaayeen iyo kooxdii ka shaqeeyn lahaa ee Somaliland iman lahaa la magacaabay, meeshii ay Hargeysa ka degi lahaayeena ay cayimeen.

“Diyaaradda Kenya, wefti bay Somaliland u soo direen, duulimaadkeedii way cayimeen, Xafiiskii ay Somaliland ka furan lahaayeen kooxdii  ka shaqeeyn lahaa ee Somaliland iman lahaa waa la magacaabay, meeshii ay Hargeysa ka degi lahaayeena way cayimeen, dawladaha heshiiskoodii wax si sahal ah u dhammaada maaha, markaas waxaanu ku rejo weyn nahay inay sida ugu dhakhsaha badan u fulo, Duulimaadka Kenya Airwaysna labada bilood ee soo socda wuu imanaya Somaliland”ayuu yidhi wasiir Liibaan.

Geesta kale, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, oo ka hadlay xidhiidh ay yeelan doonaan labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Kenya, ayaa sheegay in ujeedka xidhiidhkaasi ahaa in lagu daah-furo madal ay yeelan doonaan Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya, ujeeddaduna tahay inay ka shaqeeyaan xidhiidhka labada dal iyo saaxibtinimada labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo dublamaasiyadda.

Waxaanu sheegay in xidhiidhkaasi labada baarlamaan yeelan doonaan ay daba socoto xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, waxaanu sheegay in rajeynayaan xukuumad ahaan inuu wax badan ku soo kordhin doono labada dal oo wuu wax badan ka qaban doono xidhiidhka Somaliland iyo Kenya.

“Kulankii ka dhacay xalay (habeen hore), Nairobi wuxuu ahaa kulan ujeedkiisu ahaa in lagu daah-furo madal ay yeelan doonaan Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya, ujeeddaduna tahay inay ka shaqeeyaan xidhiidhka labada dal iyo saaxibtinimada labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo dublamaasiyadda, waxayna daba socotaa xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, markaas waxaanu rajeynaynaa inuu wax badan ku soo kordhin doono oo wuu wax badan ka qaban doono xidhiidhka Somaliland iyo Kenya”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland.

Afar Arrimood oo ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Kenya

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya, waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo wakhti cayiman lagu dhaqaaqayo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.

In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.

In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo wakhtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

Xoojinta wada xidhiidhka shacabka labada waddan (Kenya iyo Somaliland).

Sare u qaadista isdhexgalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Adkeynta wadashaqeynta dhinaca amniga iyo isla wadaagidda xogaha sirdoonka si wax looga qabto falalka argagixisada, budhcadnimada internet-ka iyo dambiyada ay ku kacaan kooxaha laga soo abaabulo dibadda.

Sameynta tababarro iyo dhisitaanka xirfadaha bulshada.

LEAVE A REPLY