Wajaale: Gaadiidleyda Oo Ka Cabanaya Dhibaato Ka Haysata Wadooyinka Magaaladaasi Oo Bur-bursan

0
920

Tog-Wajaale (Hargeisa Press.com): Gaadiidlayda ka dhex shaqaysta magaallo ganacsiyeedka Tog-wajaale ayaa cabasho ka muujiyay dhibaato ka haysata jidka magaaladaas dhex mara oo uu bur-bur xoogan soo  gaadhay.

Jidkan oo ah ka keliya ee dhex mara badhtamaha magaaladaasi ayay gaadiidleydu sheegeen in dhibaato weyn ay ku qabaan, isla markaana marka gawaadhida waaweyn ee xamuulka marka rarrka la saaro ay ku adag tahay in ay maraan.

Qaar ka mida derawaliinta  gawaadhida kala duwan ee ka dhex shaqeeya magaaladaasi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa xusay in bil kasta iyo maalin kastaba laga qaado lacag, wax cashuur ahna aanay ku baaqanin.

Sidoo kale derawaliinta gaadiidka ayaa tilmaamay in ay halis ugu jiraan in shilal ay ku galaan Waddadaasi, maadaama oo ay aad u bur-burtay wax dayactir ahna aanay helin.

Halkan Ka Daawo Derawaliinta oo Arrintaas Ka Cabanaya:

https://youtu.be/G5hupXvShAs

Dhinaca kale maamulka magaaladda Wajaale ayaa dhawr sanno ka hor shaaciyay in gaadiidka waaweyn ee magaaladaas ka dhex shaqaysta markay soo gelayaan iyo marka ay ka baxayaanba in lacag laga qaado.

Lacagtaasi oo maamulku ku tilmaamay mid lagu dhisayo ama lagu dayactirayo wadooyinka magaaladda dhex mara, hase yeeshee cabashadan gaadiidleyda ayaa muujinaysa in aan lacagtaasi waxba lagaga qaban dayactirka wadooyinka magaaladaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY