Waftigii Somaliland Ee Dawlada Imaaraadka Lasoo Saxeexday Heshiiska Saldhiga Milateri Ee Berbera Laga Bixiyey Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Warbixiyey Nuxurka Qodobada Ay Ku Heshiiyeen

0
1159

Hargeysa,(HargeisaPress) —Weftigii Uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) eek u sugnaa maalmahan Imaaraadka Carabta, saxeexayna heshiiskii Saldhiga Berbera ayaa saaka subaxnimadii hore ku soo laabtay dalka iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland Hargeysa.

Waxaanay saxaafada kula hadleen barxada hore ee garoonka Diyaaradaha Egal International Airport, waxaana lagu waydiiyey su’aalo dhawr ah, ka dibna waxay u soo baxeen dhinaca magaalada oo ay dadweyne aad u tiro badani ku sugayeen wadooyinka, si qiimo lehna u qaabiley weftiga, dadkaasi oo isugu jiray madaxda dhaqanka aqoonyahanka, dhalinyarada iyo qaybo ka mida bulshada caasimada, halka madaxweyne ku xigeenkuna uu dadkaasi u degay lugna ku dhex maray. Iyagoo ku dhaqaaqayay dadweynuhu ku soo dhawaada dalkiina hooyo waxad qaranka u horseedeen guulo midho dhal ah oo taarkhiidu xusi doonto iyo ereyo la mida.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA SOO DHAWEYNTA WEFTIGA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here