Wafti Ka Socda Wadanka Djibouti Oo Hargeysa Ku Soo Fool Leh

0
644

DUBAI,(HargeisaPress)-Wefti ka socda dalka Djibouti oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi ayaa la filayaa inay soo gaadhaan magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Warar ay heshay Warbahinta HargrisaPress ayaa xaqiijiyey in weftiga Djibouti oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi ay maalinta Sabtida ama Axada imanayaan magaalada Hargeysa kuwaas oo ilaa hada aan la cadayn ujeedada safarkoodu la xidhiidho,

Dhinaca kale waxa taagan xiisad ka dhalatay talaabo hannaanka xadhkaha isgaadhsiinta badda la hoos marinayo (DARE1 Submarine Cable), kaasoo ay hindisihiisa iyo maalgelintiisaba ay leedahay dowladda Jabuuti, oo ay Xukuumada Jabuuti keeni rabtay Berbera taasi oo ay Somaliland ka hortimiday ka dib markii Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Cabdi-weli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil, ayaa sheegay in xadhiga isgaadhsiinta xambaara ee ay dowladda Jabuuti marinayso badda hoosteedu aannu wax xidhiidh ah ilaa hadda la lahayn dalka Somaliland.

La soco wixii ka soo kordha..

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY