Wafti Balaadhan Oo ka Socday 11 Dal Iyo Midowga Yurub Oo Maanta Safar Shaqo Ku Imanaya Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

0
1022
HargeisaPress Breaking-News..

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wafti balaadhan oo ka socda 11 dal oo Caalamka ah iyo Midowga Yurub ayaa la filayaa in maanta oo Axad ah soo gaadhaan Somaliland isla markaana ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Waftigan ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay inay dhiirigaliyaan doorashada madaxtooyada Somaliland ee qabsoomaysa maalinka Bari ah dalka Somaliland iyo waliba kormeer iyo indho indhayn ay kusoo marayaan goobaha ay sanaaduuqda codbixiyayaasha Somaliland.

Waftigan ayaa maanta lagu soo dhawaynayaan madaarka Hargeysa,iyaga oo isla maantaba la filayo inay guda galaan hordhaca hawsha ay u yimaadeen.

Waftigan ayaa ka kala socda 11 dal oo beesha Caalamka ah iyo Midowga Yurub,waxaana ay ka kala socdaan dalalka Ingiriiska,Beljam,Denmark,Finland,Faransiiska,jarmalka,Netherlands,Norway,Sweden Switzerland,Maraykanka iyo Midowga Yurub

Waxaana waftigan ay dalka joogi doonaan muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabmaysa maanta ilaa 14 Bishan lagu jiro.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here