Wafdi Ka Socda Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Wadooyinka Somaliland Oo Gaadhay Degmada Dhahar. + SAWIRRO

0
1051
Wasiir-Kuxigeenka Wasaaradda gaadiidka iyo Hurrumarinta Waddooyinka Somaliland Sahal Maxamed

Dhahar,(HargeisaPress)—Wasiir-Kuxigeenka Wasaaradda gaadiidka iyo Hurrumarinta Waddooyinka Somaliland Sahal Maxamed

Jaamac Xaaji Faarax iyo Wafti uu Hogaaminayo,ayaa si Kal iyo Laab ah oo aaney ukala hadhin Shacabka Ku Nool Degmada Dhahar ugu Soo Dhaweeyeen halkaasi kadib markii uu Maalintii Shaley aheyd Socdaal ku gaadhey Degmada Dhahar ee Katirsan Gobolka Sanaag.

Waftigan uu Hogaaminnayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda gaadiidka iyo  Hurrumarinta Jidadka Somaliland,oo yididiilo dhinaca Xukuumadda Somaliland ee dadkaasi mudada dheer tabayeen Galiyay Shacabka Degmada Dhahar,Waa markii u horeysay ee Nooceedda ah oo Wafti uu Hogaaminayyo Wasiir kasoo jeeda Deegaanka,oo katirsan Somaliland soo dhaweyn noocan oo kale ah ay ku qaabilaan Bulshada Deg,ada Dhahar,Waxaana lagu soo galbiyay Wasiirka iyo Waftigiisa Boqolaal kamid ah Gaadiidka Degmada Dhahar iyadoo laga soo galbiyay Duleedka Magaalada qiyaastii 15km iyadoo markii Dambe Wasiirka iyo Waftigiisa iyo Shacabka soo dhaweeyayba isugu soo hormadeen Goob fagaare ah oo ay kula hadleen boqolaal kamid ah Shacbiga kusoo dhaweeyay Degmada Dhahar.

Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo  Hurrumarinta Wadooyinka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac Xaaji Faarax oo Shacabka kala hadley Fagaarahaasi ayaa u Sheegay Dadweynaha Degmada Dhahar in uu Salaan kalgacaltooyo ugga Waddo Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi islamarkaana, Waxa uu ugu Bushaareeyay,in ay u Waddaan isaga iy Waftigiisu Waxqabad iyo Hurumar isagoo ka dardaar Wariyay in aaney marnaba isaga iyo Xukuumadda uu katirsan Yahey,u keenaynin Dhiig,Dagaal iyo Wixii la halmaala isagoo ka hadlayana Waxa uu yidhi.

“Waxaannu idiinku Nimid,Waxaa layidhi Nin Ku Jeccelina Xogtaa ogg Nin Ku Necebinna Xogtaa Ogg in aanu xogtiina ogaano Bal Waxaad Ku Nooshihiin,Dababadeedna aanu Wax idinkala Qabanno Wixii aanu Wax ka qaban karnno Duruufaha jirra,illaahay ayuunbaa Wax Qabtee,Waxaan Leeyahey Dadkeyga Wanaagsan ee Reer Dhahareed,ee aadka ujecel Nabedda iyo Islaaxa,intii agagaarkeenna Dhibaatooyinku ka dhacayeen innaku Waxeynu ku Noolayn Nabedd,Warr Indhaa Dhaama Nin Kastaaba Waxa uu idiinku Beegan Yahey Waala Yaqqaan anaka Waana Garaneysaan Cid Noo kiin Sheegaysaana Majirrto, dhisme Dugsi iyo Wax Wax laga Qabto oo Dan Guud ah intayaddaa Wada Socottaa aniga iyo Axmed iyo Muuse Waa intii ka Shaqeyn jirtey, Danta Guud Raggna Xabadbuu keenaa Ragna Waxqabad buu keennaa, Markaa idinkaa noo garnaqi dona annaku Hurumar iyo Wanaag ayaanu ku tartami Doonaa,kuna tartami maynno dhiig iyo Qorri faraha lagu Sito»Ayuu Yidhi Wasiir Sahal.

Isagoo hadalkiisa sii Watana Waxa uu intaa ku darrey “Maanta Annaku Waxaanu ka nimid Caasimaddii Hargeysa Madaxweynaheena Somaliland Muuse Biixi Waxa uu isoo farrey Inaan Sallaan ka Gaadhsiiyo Dadweynaha Degmada Dhahar Waxa uu yidhi Salaan iga gaadhsii,Gobolka Sanaagna iga gaadhsii,Waxaanu yidhi Anaku Nabedbaan idiin haynaa iyo Waxqabad hadaad Wax nala qabasataana waanu idinla qabanaynaa Hay,adahana Waan idiin Keenaynaa,inakku Waxey ku naallaa Xadkii Waxeynu la daris nahey Qolladaa Walalaaheen ee Reer Puntland,Waxaan leeyahey yaynaan isku mashquuline anaku Nabeddbaanu Wadnaaye Nabaddaa nagala Sahqeeya»Ayuu yidhi Wasiir Sahal Maxamed Jaamac.

Waxa kalle oo iyaguna halkaa hadal ka jeediyay Suldaan Muuse Jaamac Odey Axmed iyo Duqey Tirra badan oo dhamaantood kasoo Jeeda Waxgaradka iyo Odoyaasha Degmada Dhahar Waxaaney Madaxweynaha iyo Xukuumadda ka Codsadeen in Wasiir Kuxigeenka Sahal loogu Buuxiyo Jagada Wasiirka maadaama uu Mudo dheer illaa Wakhtigii Marxuum Cigaal kamid ahaa Siyaasiyiintii Degmada Dhahar ee Cahdiga Somaliland kusoo Farro adkaadey kana Soo shaqeeyay iyaggoo Geesta kalena Xusey in uu Degmada Dhahar kaw ka ahaa Aasaaskii Xisbi Xaakimka Kulmiye, oo Waayo badan iyo Wacdi adagi kusoo Waajahay.

POTO BY Nuur Giriig

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY