Waddani Oo UK Gudbiyay Tacadiyo Ay Ka Tirsanayaan Xukuumadda Somaliland

0
1087

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo xubno ka tirsan hoggaanka Sare ee Xisbigaasi ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dawladda Britain ee Soomaliya oo booqasho ku yimid Somaliland.


Kulankaasi oo saacado badan ah
la qaatay ayay labadda dhinaca kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka la qorsheeyay in ay dhawaan ka qabsoomaan Somaliland.
Wefti ka socday UK waxaa hogaaminayay safiirka cusub ee boqortooyada Ingiriisku dhawaab u soo magacowday dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mrs.Kate Foster, iyo madax ka socotay xafiiska Ingiriiska ee magaalada Hargaysa.


Sida lagu sheegay war uu xisbiga Waddani ka soo saaray kulankaasi waxa ay ka wada hadleen hannaanka qabashada doorashada isku sidkan ee Somaliland.
Tacadiyo ay sheegeen in taliyaha booliska Somaliland ku hayo murashixiinta xisbiyada mucaaradka ah.
Kuwaasoo ay ka mid yihiin xadhiga sharci darrada ah ee lagu haysto xubno musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka doorashooyinka, isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyay.


“Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa wakiilada beesha caalamka u caddeeyey in aanay marnaba aqbali karin sii socodka tacadiyddan ka dhanka ah murashixiinta xisbiga WADDAN.
Iyaga oo hore ugu caddeeyey mawqifkooda War-Saxaafadeedkii dhawaan ay soo wada saareen labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI” ayaa lagu yidhi warka xisbiga waddani.


Ugu dambeyn, safiirka Ingiriiska iyo hoggaanka xisbiga WADDANI ayaa isla garowsaday muhiimadda ay doorashadan isku sidkan u leedahay qaranka jamhuuriydda Somaliland.
Sidoo kalena waxay isla garwaaqsadeen sidii caqabadahaasi oo dhan looga qaadi lahaa habsi u socodka doorashooyinka.


Waaxda War-Faafinta Ee Xisbiga WADDANI
Hargeysa-Somaliland.

LEAVE A REPLY