Wadahadalka N&N iyo Madaxweyne Biixi

0
693

Hadal iyo hilboba waa la kala qallaa

Marka koobaad si aynnu u wada dhaqaaqno, waxa aad ogataa laba Adduunyo in ay jiraan: Nolosha/hab fikirka madaxda (dabaqada sare) iyo hab fikirka dadka la maamullo. Labadaa ardaa ayaa aan had iyo goorraale damcaa in aan isaga dab qaado.

Maanta kama hadlayo habka dadka suuqa jooga (laymen) u fikiraan ee waxa aan gorfayn doonaa qaabka ay u fikirayaan xukaamtu.

Addis Ababa

Intii aanu Covid-19 qabsan warrarka Soomaalida, waxa jiray safar uu Rre. Khayrre ku tegey magaalada Arda Sababa. Kulankaa qodobbada miiska saarnaa, waxaa ka mid ahaa “wada-hadalada Soomaalida”.

Waa aynnu kusoo laabban doonnaa “wadahadalka Soomaalida’e”, safarka Khayrre waxa uu dirayey farriin odhanaysa “Khayrre waa hoggaamiye soo socda”. Si aynnu si fiican isula jaanqaadno, waxa jiray laba qoraal oo aan halkan ku wadaagnay oo ahaa: Hargeysa iyo Xamar kulamadoodii waxa ay ku afbeelleen “nidaam Cofederal ah wada dhista”. Iyo qoraal kaa ka dambeeyey oo nuxurkiisu ahaa: Mne. Farmaajo mahaysto rajo buuran oo u saamaxaysa kursiga in uu kusoo noqdo.

Nabad iyo Nolol

N&N – hoggaamiyahooda Farmaajo si uu doorasho ugu soo laabto – waxa ay diyaarriyeen doorasho ka duwan kuwii hortood qabsoomi jiray – hadda qorshahaasi waxa uu u muuqdaa mid hirgalli waayey. Xaqiiqada N&N hortaalaa waa in ay shaxda bedellaan. Isbedelkaa ayaa haddaba xudduntiisu tahay Hargaysa. N&N waxa ay qorsheeyeen in ay bilaabaan oo waliba dedejiyaan wadahadalka Somaliland. Mashruuca waxa aktar ka ah Mr. Khayrre. Khayrre sida aad ka warqabtaan, laba arrimood ayuu xafiiskiisu guul ka gaadhay: Deyn cafinta iyo doorashadii Galmudug markaa wadahadalka Somaliland waa hawsha ugu muddan ee hada taalla xafiiska Ra’isal Wasaaraha.

Rre. Khayrre oo ah nin dhinac kasta iska xejiyey masuul kasoo jeeda Beesha Isaaq, waa nin aaminsan hawlaha waxa lagu xallin karaa wakhti kooban iyo lacag. Rre. Khayrre waxa uu bilaabay in uu ugaadhsado madaxda kala duwan ee Somaliland. Sida warrarka aan ku hayo, tujaarta waxa uu u dhexmaray Ina Jimcaale, halka madax dhaqameedka Somaliland uu si dhaw ula samaystay cillaaqaad.

Khayrre sida aad dhawaan shaashadaha ku arki doontaan – waa haddii cabsida COVID 19 ay is dhinto’e – waxa uu ka hawlgallay jihooyin kala gedisan. N&N kama aha heshiis waarra oo waxtar leh haka soo baxo wadahadalka bale, damacoodu waxa weeye kursiga in ay kusoo noqdaan iyo ka labbaad ee ay aadka u danaynayaan oo ah “baal dahab ah in ay ka gallaan taarikhda Soomaalida oo ay noqdaan xukumaddii ku guullaysatey isku soo noqoshada Somali Republic.

Muuse Biixi

Mne. Biixi oo dadka wax-magaratada ahi ay u yaqanaan nin neceb N&N, hayeeshee ah rafiiq gacansaar dhaw la leh N&N, waxa qorshuhu yahay dhawaan in ay kulmaan Rre Khayrre – cabudhka Covid 19 ayaa bedelli kara qorshahaas. Mne. Biixi wuu ogyahay in shacabka Hargaysi aysan aqbalayn midaw dambe oo dhexmara Xamar, nooc uu doonaba ha ahatee balse, Muuse waxa laga abaarray dhawr goljilic.

Mr. Biixi si kasta xariif ha ugu ahaado dhaqanka Soomaalida haddana, waxa la ogaaday in uu ku liito “The Art of Negotiation” – wadahadalka tooska ah ee la rabo in gole-ka-fuul loo dhiraandhiriyo nuxurka kullamada. Waxa kale oo Muuse loo sawiray hummaag odhanaya: Adiga ayaa hoggaamiye ah, waa in aad hagtaa shacabka – waa siyaasaddii ay eeday Muqdishu ee ahayd “ignore people and maintain order”.

Intaa waxa u dheer Mne Biixi in uu dhaxlay xukumad si sibiq ah ugu millantay deeqaha Soomaalida, taasina ay qasbaysaba in uu xidhiidh joogto ah la yeesho Villa Somalia. “Carrot and Stick Policy” ayaa aan iyana meesha ka madhnayn oo ah, haddii Adigu aad wax dhammayn waydo, dadwaynaha ayaa aannu toos ula macaamillaynaa, muddane.

Eng. Feysal

Haddii aanu is bedellin Eng Feysal labadii habeen ee ugu dambaysay, waxa uu taagnaa “N&N waa ay tegaysaaye yeynaan ku khaatumo seegin”.

Jibouti

Intii aanu Covid-19 kala xidhin isu socodka Adduunka, Jabbuuti waxa ay wadey qorshe ay ku xusayso labbaatan-guurradii kasoo wareegtay shirkii Carte. Sidoo kale Jabbuuti waxa ay u muuqataa in aysan la dhacsanayn wadahadalka Soomaalida ee uu odayga ka yahay Abaay Axmed. Jabbuuti ma waxa ay saluugtay Imaraadka iyo Sacuudiga sii daba fadhiya Abaay mise iyada ayaa doonnaysa libanta wadahadalka? Dadweynaha ayaa jawaab ka bixin.

Sweden oo bilawgii qayb ka ahayd wadahadalka Soomaalida, hadda waxa lagu warramayaa in ay dib uga gurteen wadahadalka, kadib markii ay yabaal ka muujiyeen qaabka degdega ah ee hawsha loo wado iyo waliba in aan la ixtiraamayn dareenka shacabka Somaliland.

Wadahadalka ujeedkiisu waa mid: Somaliland in lasoo xero galiyo! Somaliland waxa ay ku bedelanaysaa goosashada (waa haddii ay dhacdo’e goor ay noqotaba) xuquuq iyo saammigii ugu sarreeyey ee Villa Somalia ay usoo bandhigi lahayd.

N&N waxa weeye macaashkoodu: Mne. Farmaajo in uu galo sooyaalka Soomaalida, isaga oo waliba ka nadiifinaya beeshiisa naanaystii ahayd “Siyaad Barre ayaa kala diray Soomaali Republic”. Qorshuhu sida uu u socdo, Farmaajo masoo laabanayo. Wallow uu korrorsiimo hellayo haddana, qof Somaliland kasoo jeeda ayaa hadhaw noqonaya madaxweyne, halka Rre. Khayrre ka noqon rabo ninka labaad.

Siyaasaddu waa ay isbedeshaa
Illaa hadda waxa aan is bedelin
Cofederal iyo Farmaajo in aanu doorasho dambe kusoo noqonayn.

F.G. Abaabul wax laga horgeeyaa abaabul
Doorkii indheergaradku wuu ka maqan yahay dhanka Somaliland.

 

Qalinkii: Axmed-xiis Dharbaan

LEAVE A REPLY