Wada-hadalladii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya oo burburay

0
1703

Ankara (Hargeisa Press)- Wada-hadalladii dhex-dhexaadinta ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga socda Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa maanta gebi ahaanba burburay.

Wadahadallada, ayaa lagu kala kacay ka dib markii laysla fahmi waayay qodobadii laysku hayay, Sida uu noo xaqiijiyay Maareeyaha Shabakadda wararka ee HargeisaPress Shiine Cilmi Kaahin oo ku sugan dalka Turkiga.

Maareeyaha HargeisaPress, ayaa sheegay in loo ballamay wareeg saddexaad oo dhici doona bisha September ee soo socota kaas oo mar kale laysku soo hor fadhiisinayo labada dhinac.

Sida uu noo xaqiijiyay Maareeyaha Shabakadda wararka ee HargeisaPress, Dowladda Itoobiya, ayaa gebi ahaanba diidday in ay ka noqoto heshiiskii isfahan ee ay la gashay Somaliland.

Weftiga Soomaaliya, ayaa caawa ku wajahan dalka Masar halkaas oo ay wada tashi kula yeelanayaan Madaxda dalka Masar, sida uu noo xaqiijiyay Shiine Cilmi Kaahin.

Waxaa xusid muddan in wadahadaladii kan ka horeeyay ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhacay dalka Turkiga uu burburay, iyadoona aan wax natiijo ah ama heshiis ah laga gaadhin.

Wadahadalladii hore, Itoobiya, ayaa diiday soo jeedintii Soomaaliya ee ahaa in Itoobiya bad laga siiyo marinka badda Hindiya, haddii ay ka noqoto heshiiska ay la gashay Somaliland ee MOU, iyadoona dowladda Itoobiya meel adag ka taagan tahay heshiiska MOU ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya, ayaa ku adkaysatay rabitaankeeda dekedda Somaliland, waxayna diiday inay ka noqoto heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here