Wacyigalinta Diiwaangelinta Codbixiyaha Oo Maayarka Gabiley Ku Daahfuray Dawladda Hoose

0
795

GABILEY, (HargeisaPress) —Wasiirka Maaliyada Samsam Abdi Adan Xubnaha Komishanka Doorashoyin qaranka iyo ururka wacyi galinta komishanka ayaa daahfur loogu qabtey xarunta hallka dawlada hoose ee gabiley.ujeedada daahfurka oo ahayd in aad loo wacyi galiyo dadka muwadiiniinta ah. Ee reer gabiley sidii ay isu diwaan galin lahayeen islamarkaana dadku uheli lahayen qaadashada kaadhka muwaadinka xaqa uleeyahay.hadabada ujeedada daahfurkani ayaa ahayd mid komishanku qaranka ka dhex muuqdeen iyagoo faahfahin buuxda ka bixiyeen iney wacyi galinta gabiley kor loo qaado ooo ay mihiim tahay qaybna ka tahay hawlaha qaadashada kaadhka codbixiyaha.

 

Daahfurkan waxa ka hadley wasiirka maaliyada marwoo sam sam cabdi aadan isla markaana cod dheer k tidhi iney dadka isdiwaangaliyaan oo kor qaado wacyi galin dadka la wacyi galinayo iyadooo kormeer kusoo samaysay degamada wajaale oo dhaliishey wacyi galinta cuqaasha waxgaradka ugu baaqey iney dadka wacyi galiyaaan oo xaadir ku ahadaaan goobaha is diwaangalintu ka socoto.ooo aanay codkooda lumin.kana faaidayaan isdiwaangalinta maanta dalka ka socoto.

 

intaa ka dib waxa iyaguna ka hadley xubnaha komishanka faafhfaahin dheerada ka bixiyey iney socoto isdiwaangalintu isla qaybta wacygalinta ee gobalka kor loo qaado una mahadnaqay maayarka gabiley isagoo ku aamanay dadaalka aan fadhiga ku jirin ee uu la leeyahay bulshada kala duwan sida komishanka dadka rayidka ah ee reer gabiley islamarkaana mihiim tahay in garab istaago sida cuqaasha iyo waxgaradku.

 

sidoo kale komishinku waxay dhalilleen ururkii qaatay wacyi galinta ooo aan deegaaan kasoo jeedin gabiley aan si wngsan ukala garanayn tuuloyinka iyo deegamada gobalka leeyahay.isla markaan lagu gudi wacyi galin ah oo kasoo jeeda gbolka gabiley si loo dhaqaajiyo kor uqaadida qaadashada kaadhka codaynta.

 

hadaba daahfurkan oo sameeyay Maayarka Degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar cabdi.Wuxuu ku salaysanaa in la dar dargaliyo wacyi galinta gobalka iyo deegamada tuuloyinka leeyahay.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

Mobile ..0634633737

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here