Waayihii Siyaasadeed Ee Maxamed Qanyare Afrax

0
825

Muqdisho (HargeisaPress)- Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho Allah ha u naxariistee, Maxamed Qanyare Afrax, oo ka mid ahaa raggii siyaasadda Soomaaliya magacoodu ku sidkamay.

Maxamed Qanyare wuxu ku dhashay degmada Ceel-Buur bishii August 1941-kii, halkaas ayuu ku koray kana galay malcaamad Quraanka, ka dibna waxa uu tagay magaalada Xamar oo uu waxbarashada ilaa dugsiga dhexe uu ku dhamaystay.

Tacliintii dugsiga dhexe markii uu dhamaystay waxa la qoray booliska, waxaanu ahaa askari ka tirsan booliska, muddo ka dibna wuu ka tagay. Marxuumku wuxu markii dambe u wareegay dalalka Bariga Afrika oo uu ganacsi ka bilaabay sannadii 74-kii. Waxaanu mar labaad halkaa dib uga bilaabay wax barashadiisii oo uu ku bartay cilmiga maamulka iyo maararaynta, sida uu sheegay kaaliyihiisii gaarka ahaa.

Cabdillaahi Sheekh Daahir oo muddo 20 sannadood iyo dheeraad ah kaaliye u ahaa marxuumka oo ka waramayey taariikhdiisii siyaasadeed ayaa yidhi “markii wadanku qalalaasaha galayna waxa uu wax ka aasaasay ururkii SNM, aasaseyaasheedii ayuu ka mid ahaa. Wuxu u wareegay hadana markii dambe oo la is qabtay, wuxu ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka USC.”

Maxamed Qanyare Afrax waxa uu ka midnoqday xukuumaddii Cabdiqaasin Salaad Xasan oo uu noqday wasiirka kalluumaysiga. Hase yeeshee markii dambe waxa uu ka mid noqday hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho u kala qaybsanayd. Waxaana saldhig u noqtay xaafadda Dayniile.

Sannadkii 2026-dii waxa Maxamed Qanyare Afrax ka mid noqday isbahaysigii la dagaallanka argagixisada ee ay samaysteen raggii hogaamiye kooxeedyada ahaa.

Waxa uu ka mid noqday xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo uu ka qabtay xilka wasiirka amniga, markii xarunteeda ku meel gaadhka ahi ahayd magaalada Baydhaba.

Xamar ayuu dib ugu noqday waxaanu ka mid ahaa raggii loo diiday in ay ka mid noqdaan xildhibaannadii baarlamankaii la soo xulay ee doortay xukuumaddii talada qabatay ee uu madaxweynaha ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshii markii dambe waxa u suurto gashay in uu noqdo xildhibaan ka tirsan golaha baarlamanka.

Waxa ku soo booday xanuun uu dareemay in aanu hawshii xildhibaannimo wadi karin, waxaanu kursigiisii u banneeyey wiilkiisa Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ilaa haatan ah xubin ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Geerida Maxamed Qanyare waxa ehelkiisii uga tacsiyeeyey madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Marxuumka waxa maalinta berrito ah lagu aasi doonaa Dayniile oo fadhiisin u ahayd.

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here