“Waanu Ka Soo Hor Jeednaa Wax Ka Bedelka Lagu Samaynayo Xeerka Goboladda iyo Degmooyinka”… Golaha degaanka Burco

0
815

Burco (Hargeisa Press): Qaar ka mida xildhibaanadda golaha degaanka Burco ayaa sharci darro ku tilmaamay xeer ay dhawaan guddi-hoosaadka arrimaha gudaha golaha Wakiiladu hor keeneen gole-weynaha.

Waxaanay xildhibaanadani sheegeen in ay xeerkaasi ka soo hor jeedaan, isla markaana haddii aan la joojin uu dhaawac ku keeni doono hanaanka doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda Somaliland.

Xildhibaanadan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco ayaa tilmaamay in xildhibaanadda golaha degaamadda dalka la soo doortay oo ay xasaanad leeyihiin.

Halkan Hoose Ka Daawo Xildhibaanadan Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY