Waalidiintii Caruurtoodu Ka Maqnaayeen oo Maalintii Labaad Banaanbax Ka Dhigay Muqdisho

0
840

Muqdisho (Hargeisa Press) – Magaaladda Muqdisho waxaa maalintii labaad ka dhacay Banaanbax ay dhigayaan Waalidiintii ay ka maqnaayeen caruurtoodu ee dowladda Soomaaliya u qaaday dalka Eritrea si uga dagaalamaan gobolka Tigray.

Waalidiinta banaanbaxyda ka dhigaya qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay dalbanayeen in caruurtooda dib loogu soo celiyo.

Waxaanay waalidiintani siteen boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda si loogu soo celiyo caruurtooda oo ay sheegeen inay maqleen in laga qayb galiyay dagaalkii gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Waalidiintan oo la hadlay warbaahinta, ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay uga baahan yihiin nolol ama geeri inay ugu keenaan caruurtooda, waxaanay ka dalbadeen in caruurtooda dib loogu soo celiso

Banaanbaxan ay dhigayaan Waalidintani, ayaa ku soo beegmaya iyadoo Qaramada Midoobay sheegtay inay heshay cadaymo muujinaya in dagaaladii Itoobiya ee gobolka Tigreega ay ka qayb qaateen dhalinyaro Soomaali ah taas oo sii kicisay dareenka iyo welwelka waalidiintan oo dowladda Soomaaliya sheegtay in caruurtooda tababar ugu qaaday dalka Erateeriya.

Geesta kalena, dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay in caruurta waalidiintan laga qayb galiyay dagaalkii gobolka Tigray, iyadoona sheegtay inay wali ku maqan yihiin tababarkii loo qaaday.

LEAVE A REPLY