“Waalidiinta gobolka Awdal waxaan u sheegayaa ubadkiina yaan la khaldin”…

0
387

<span;>Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa ka hadlay 35 dhalinyaro ah oo dhawaan laga soo xidhay Boorama oo maanta la sii daayay.

Dhalinyaradaasi oo dhamaantoodba haween ah ayaa ka mid ahaa dhalinyaro 26-kii bishii June laga soo xidhay magaaladda Boorama.
<span;>Kuwaasoo lagu soo eedeeyay in ay ku dabaal degeen calanka Soomaaliya, sababtaas darteedna lagu soo xidhay.

Sii daynta dhalinyaradaasi ayuu wasiirka beeruhu uga mayad celiyay madaxweynaha Somaliland oo ay isaga iyo xubno kale oo reer Awdal ah ka codsadeen.

Axmed Muumin Seed, oo maanta warbaahinta la hadlay waxa kaloo uu sheegay in wiilasha xidhan ee gabdhahaasi lala soo qabtay in dhawaan la sii dayn doono.

DAAWO: Wasiirka Beeraha Oo Arrintaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY