“Waad ku mahadsan tahay Gavin Williamson doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland”…

0
487

Addis Ababa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal bogaadin ah u diray xildhibaan Gavin Williamson, oo dood ku saabsan aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland hor geeyay baarlamaanka dalka UK.
Madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay inuu rejynayo in dawladda boqortooyadda Ingiriisku ay diyaar u tahay inay dhegaysato Gavin Williamson, iyo xildhibaanada kale ee Aqalka Baarlamaanka UK.
“Waad ku mahadsan tahay Gavin Williamson, oo hormood ka ahaa ku na baaqay dood ku saabsan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan rejynayaa in dawladdaadu ay diyaar u tahay, inay ku dhegaysato adiga iyo xildhibaanada kale ee Aqalka Baarlamaanka UK.
Dhammaanba dadka reer Somaliland ee ku nool gudaha iyo dibadda ba, waxay sugayaan hamigan saxda ah” ayuu ku yidhi qoraal uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, caawa soo dhigay bartiisa Twitter isagoo safar shaqo ku jooga dalka Ethiopia.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here