“Waa tababar muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaya”…

0
879

Hargaysa (HP): Xildhibaan C/rashiid Nuur Wacays, oo ka tirsan golaha deegaanka Berbera ayaa ka hadlay muhiimadda tababar maanta loo furay goleyaasha deegaanka ee shan degmo.

Tababarkaasi oo uu si rasmiya u furay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa loo qabtay goleyaaaha deegaanka ee shanta degmo ee Hargays, Berbera, Gabiley, Salaxley, iyo Baligubadle.

Xildhibaan C/rashiid Nuur Wacays, oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa oo uu tababarku ka furmay ayaa soo dhaweeyay qabashadda tababarkaasi.

Waxaanu tilmaamay in tababarkaasi uu ku tilmaamay mid muhiimad weyn leh, isla markaana dhinacyo badan taabanaya.

Xildhibaan Wacays, waxa uu sheegay in ay si wanaagsan uga faa’iidaysan doonaan mudadda afarta maalmoof ah ee uu tababarkaasi socdo.

Waxaanu imtaas raaciyay in tababarkaasi uu la xidhiidho dhinacyadda sharciyadda, maamul daasejinta iyo mashruuca isku xidhka dawladaha hoose ee loo soo gaabiyo JPLG.

Xildhibaan C/rashiid Wacays, ayaa xusay in sidoo kale tababarkaasi ay ku qaadan doonaa  arrimo la xidhiidha maamulka dawladaha hoose iyo awoodaha maayarrada dalka iyo goleyaaaha deegaanka.

Geesta kale, xildhibaan C/rashiid ayaa u mahad celiyay wasaaradda arrimaha gudaha oo tababarkaasi soo qaban qaabisay iyo machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka oo tababarkaasi fulinaya.

DAAWO: Xildhibaan C/rashiid Wacays Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here