Waa Sidee Xaalkeena Siyaasadeed ee Arimaha Dibadda iyo Arimaha Gudaha Somaliland Ee Muddooyinkan Dambe

0
1219

Inta ugu badan ee Bulsho-weynta Reer Somaliland Guddo iyo Dibadba Waa Qodob Siweyn Loogu hadalhayo In Madaxweynaha Talada haya Somaliland Wakhtigan Muuse Biixi Cabdi uu Xukuumadii ukala Qeybiyay Laba Qeybood oo ku taxaluqqa Shakhsiyaadka uu u igmadey Xilalka Muhiimka u ah Qaranka ama Halbawlaha Wasaaradaha ay Awal hore ka Nooleyd Somaliland oo dhaqdhaqaaqoodu ka dhisnaa Dhinaca Beesha Caalamka,Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Dawlladaha Waaweyn ee Dunida iyo Dalalka Dariskaba.

Waa dhab in Dad baddani isweydiinayo Waa Noocee labada Qeybood ee Madaxweyne Biixi Xukuumadiisu u Qeybsan Tahey, Labadaasi Nooc intaanan cadeynin Waxey Horseed u yihiin Dib-udhac ku Yimid Geedi-socodkii Somaliland Maadaama Golaha Xukuumada ee uu Xushey Madaxweynuhu yihiin (A)-Wasiiro u baddan Hawlgab muddo Dheer soo Shaqeeyay una baahnaa in la nasiyo Maanta oo ay Qaranka u Noqdaan Mus-dambeed lala Wadaago Talooyinka looga maarmi Waayo ee Dhinac Kastaba, laakiin Madaxweynuhu xaqiijiyo in aaney Gudan Kareyn Wakhtigan Maanta Lagu Jirro arimo fara badan oo Dhinacyada Arimaha Dibadda iyo Gudaha Dalka Somaliland labadaba ah.

(B)-Qeybta Labaad oo iyaguna u badan dhalinyar aan Waayo-aragnimo hawleed iyo Mid Siyaasadeed labadaba laheyn Kuwaas oo iyaguna Wakhti xaadirkan u baahnaa in laga Dhigo Kuwa soo daadihiya Hawl-hooseedyada Kale ee Qaranka si ay ula jaanqaadaan, Waayo aragnimo hor leh oo ay kaga Daydaan Aqoonyahano wakhtigan haysta Khibrad Aqooneed, Mid Hawleed iyo Mid Siyaasadeed intaba islamarkaana, faham fiican ka heysta(Diplomatic language), Looga baahnaa in Lagu iib Geeyo isbadelkii Dambe ee Xisbiga Kulmiye mar labaad kula Wareegay talada dalka Somaliland iyo Geedi Socodkeedii Siyaasadeed iyo Dumqraadiyadeed ee Beesha Caalamku ka warheysay Si loogu Joojiyo Been abuurka iyo Fariimaha isdaba jooga ah ee ay Reer Koonfureedku Mudooyinkii u Dambeeyay ku Joogteeyeen Beesha Caalamka.

Sikastaba ha noqotee Haddaan Tusaale Kooban usoo Qaato Wasiirada Laba Wasaaraddood ee Arimaha Gudaha iyo Dibadda Wasiir Maxamuud Yaasiin Xiir Faratoon Waa Nin Waayo-arag ah oo Gob ku ah Aaminaada iyo ayidsanaanta Jiritaanka Somaliland iyo Gooni-isutaageedda Marka loo eego Waliba Cidhifka uu kasoo Jeedo ee Gobolka Sool mansabkaasi Wuxuu ahaa mid uu u qalmo Siyaasi kasoo jeeda halkaa in Loo Dhiibo haseyeeshee, Wasiir Maxamuud Waxaa maanta isku Dul badelay Waayo fara badan oo iska badelay Dunida aynu joogno, Waxaana laga yaabaa in uu isagu Wali ku joogo Luuqadihii hore ee Dhinaca Diblamaasiyadda oo koley Casrigan Wax baddani iska badeleen, Shacabka Reer Somaliland iyagoo jecel Faratoon ayey haddana Wax badan ka tabayaan Siyaasada Arimaha Dibadda ee Xiligan.

Dhinaca Arimaha Gudaha Waxaa had iyo jeer saluug baddani ka jiraa in Wasiir Maxamed Kaahin Axmed yahey Halgamaa Waayo-arag ah haseyeeshee, aanu Wakhtigan tan iyo intii uu Noqdey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ee Qaabilsan Amniga iyo Adkeynta Nabedgelyada Waxaad Moodaa in uu kaga baddan yahey Dhinacyada Siyaasada Xisbiga uu katirsanaa Mudada Dheer ee Kulmiye hadeynu Tusaale usoo qaadano Dilalkii iyo arimihii Dhinaca Amaanka ee Maalmo dhaweyd ka dhacey Laascaanood meelna laguma hayo Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlaya Labadaasi fal ee Dilka ahaa oo ay Shaqadiisii Tahey Waa Maxey Sababtu?.

Gabagabadii Waxaan Kusoo Koobayaa Qormadeydan Haddii Madaxweyne Biixi ka cabsoodo in ay Golihiisa Xukuumada kamid Noqdaan Shakhsiyaad Saameyn Siyaasadeed oo Arimaha Dibadda iyo Arimaha Gudahaba leh Waxaa Suurtagal ah in ay ku Dul Burbri karto Somaliland iyo Juhdigii Weynaa ee lasoo galiyay, Muddo imika Sodon Sano ku dhawaad laga joogo, Sidaa daraadeedna Waxaa lagama Maarmaan ah in uu u Calool adeygo Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan Saameyn leh oo qeyb ka noqda Golihiisa Xukuumadda si Qarankani u Xaqiijiyo Himilooyinkiisa Halgan ee isa soo dabataxnaa Mudada dheer.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339  

LEAVE A REPLY