Waa la Gaadhay Xiligii Somaliland u Badheedhi Laheyd Turkiga

0
821

Madaxweyneenu dhawr jeer ayuu faq iyo fagaareba ugu sheegay dawladda Turkiga in aanay dhexdhexaad ka aheyn wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama oo ay bahwadaag la tahay Muqdisho.

Turkiga way ka qabsatay riyadooda ku wajahan inay dhexdhexaadiye ka noqdaan wadahadalka garnaqsiga labada dal ee jaarka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mr.Mevlut Cavusoglu oo ka hadlayey shir lagu qabtay Qatar oo taageero loogu raadinayey dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, ayaa ku baaqay in caalamku xil iska saaro, sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabad ku soo dabaalista iyo ciidan u dhiska Soomaaliya oo qalalaase rubuc qarni qaatay hadheeyey.

Ma qarsanayo, Turkigu siday ula safan yihiin Soomaaliya, iyagoo haddana u xusul-duuban inay dhexdhexaadiye iskaga keen dhigaan.

“Waxaanu soo bandhignay inaanu fududeeyeyaal iyo dhexdhexaadiye ka noqonno wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia,”ayuu ku tiraabay Wasiirka Khaarajiga ee Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Xukuumadda Somalilandna waxay taagan tahay mawqifkeedii ay hore ugu iftiimisay Turkiga in aanay kalsooni ku qabin in Turkigu noqdo mid ku kaliyeysta wadahadalka ribaday ee socon waayey ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland waxaa u furan inay gabi ahaanba meesha ka saaraan in Turkigu xataa goob jooge ka noqdo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Cumar M Faarax

LEAVE A REPLY