“Waa in qoxoontiga iyo barokaceyaashu ay la yimaadaan hal-abuur ganacsi si ay u”…..

0
1360

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland ayaa ku taliyay in hal-bauur ganacsi ay la yimaadaan dadka Tahriibta ka soo noqday iyo kuwa qoxoontiga ah si ay u hellaan nolol wanaagsan.

Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in loo sameeyo Wershado yar yar oo ay wax-soo-saar lagu isticmaali karo qashinka waddanka buux dhaafiyay ee  ka dhashay waxyaabaha ay dadweynuhu isticmaaleen.

Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Axmed Muxumed (Xinif), waxa uu sidan ka sheegay munaasibad maanta caawimo raashin ah loogu qaybinayay qoysas qaxoonti ajaanib ah iyo barakaceyaal isugu jiray oo degan magaaladda Hargaysa.

Raashinkaasi loo qaybinayay  dadkaasi qoxoontiga iyo barokaceyaasha isugu jiray oo ay soo bixisay hay’adda IOM ayaa muddo todobaad ah loo qaybinayay barokaceyaasha iyo qoxoontiga ajaanibka ah ee Somaliland ku sugan.

Kuwaasi oo isugu jiray qoxoonti ajaanib ah iyo dhalinyarro reer Somaliland ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya. Waxaanu Xinif u mahad celiyay hay’adda IOM oo raashinka soo bixisay.

“Waxaan u mahad naqayaa hay’adda IOM, oo dhab ahaantii raashinkan dadkan reer Somaliland ee u baahan, oo ah dadkii laga soo celiyay Liibiya iyo Yemen, maanta halkan ugu keentay raashin, isla markaana aanu baryahan-ba ka wada shaqaynayay”ayuu yidhi Xinif.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaa dhab ahaantii aan ILLAAHAY SWT ugu mahad naqayaa, saddex qolo oo kale ee aanu saddexda-ba ka masuulka nahay, ee todobaadkan gudihiisa raashinka loo qaybiyay.

Waana dadkii ajaanibta ahaa ee qaxoontiga ahaa ee waddanka martida inoogu ahaa ee Carabta u badnaa, waana dadkii barakacayaasha ahaa ee reer Somaliland, iyo kuwii soo noqdayaasha ahaa”.

Geesta kale C/kariin Xinif, ayaa kula taliyaya qoxoontiga iyo barokaceyaasha in ay hal-bauur ganacsi iyo shaqo abuur la yimaadaan, waxaanu yidhi, “Waxaan jeclaan lahaa in aad isku daydaan sidii aynu uga wada shaqayn lahayn dadkan in shaqo abuur loo sameeyo.

Inkastoo qaarkood ganacsiyo loo abuuray oo ay haystaan, waxaa waxan ka badan in la hello ayaa loo baahan yahay.

Sida iskaashatooyin oo kale, tusaale ahaan sidii qashinkan waddanka yaala loo farsamayn lahaa, ee dadku uga faa’idaysan lahaayeen, oo wax looga samayn lahaa oo Wershado yar yar, oo waxan wax ka bedela loogu samayn lahaa”.

“Iyadoo qof kasta la siinayo kun ama laba kun oo dollar, in tobankii qof ama labaatankii qof-ba wax iyaga-na wax tara, waddanka-na faa’iido u leh loo sameeyo, si fudud ayaana loo samayn karaa haddii la iskaashado” ayuu yidhi Xinif.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY