“Waa in aydaan ku ruxmin dacaayadaha cadowga Somaliland fidinayo”…

0
612

Hargaysa (HP): Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Maxamuud Axmed, ayaa uga baaqay dhalinyaradda reer Somaliland in ay ka faa’iidaystaan fursadaha kala duwan ee uu xukuumadu u samaysay dhalinyaradda.

Waxaanu uga digay dhalinyaradda reer Somaliland in ay ku lab-kacaan dacaadaha raqiiska ee cadowga Somaliland ku majaro habaabinayo dhalinyaradda, isla markaana ay qaran-nimadoodda ilaashadaan.

Jaamac Xaaji Axmed, waxa uu sheegay in xukuumadda talladda haysaa ay fursado badan u abuurtay dhalinyaradda, kuwaasoo ay ka mid yihiin barnaamijka shaqo qaran iyo sanduuqa horumarinta dhalinyaradda ee uu dhawaan aasaasay madaxweyne Biixi.

Badhsaabku waxa uu carabka ku dhuftay gacan-haadiska ay dhalinyaradda Somaliland ku hayso dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad loo sameeyay tartanka Orodka Maradonka Somaliland oo shalay lagu qabtay garoonka Hargaysa Stadium ee magaaladda Hargaysa.

Jaamac Xaaji Axmed, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Masuuliyiinta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, waxay heegan ugu jiraan in ay fuliyaan siyaasadda dhalinyaradda oo ay wakiil uga yihiin madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, oo ahmiyad badan u haya dhalinyaradda.

Iyadoo mashaariic fara badan oo dhalinyaradda lagu dhiiri gelinayo, oo uu ka mid yahay barnaamijka shaqo qaran iyo sanduuqa horumarinta ee loo sameeyay dhalinyaradda Somaliland”.

Sidoo kale badhasaabka Maroodijeex, ayaa tilmaamay in dhalinyaradda Somaliland ay haystaan fursado fara badan oo ay xukuumadu u abuurtay.

“Dhalinyaradda Somaliland maanta waxay haystaan fursado qaali ah. Waxaana la idiinka baahan yahay in aad fursadahaas ka faa’iidaysataan, isla markaana ay ka fogaadaan shir-qooladda ay wadaan cadowga Somaliland.

Dhalinyaradda Somaliland qarankiinu wuu idin garab taagan yahay. Waana in aydaan ku ruxmin dacaayadaha raqiiska ah, ee cadowga Somaliland uu fidinayo. Ama dadka u haajiray meesha la yidhaahdo Soomaaliya, ee Kaareyaasha ay AMISOM ku ilaaliso.

Anigu ma nebcin dadka Koonfureed, balse waxaa jira dad ka xun nabadgeliyadeena iyo horumarkeena. Dadkaasi waa dadkii dhibaatooyinka ka gaystay Somaliland”ayuu yidhi Jaamac Xaaji Axmed.

Geesta kale guddoomiye Jaamac, ayaa ugu baaqay dhalinyaradda in ay ilaashadaan qaranimadda Somaliland iyo nabadgeliyadda.

Waxaanu yidhi, “Waxaa la idiinka baahan yahay dhalinyarooy, in aad ku farro adaygtaan nabadgeliyadiina iyo qaran-nimadiina iyo fursadaha qaranku idin siiyay iyo amniga ILLAAHAY SWT ina siiyay”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY