Caynaba (HP): Wasaaradda deegaanka ee Somaliland ayaa maanta magaaladda Caynaba ka shaacisay hawl gallo lagula dagaalamayo xaalufinta dhirta ee goboladda Togdheer iyo Saraar.
Waxaana hawl galkaasi shaacinta wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Ismaaciil Baandare, oo ay weheliyaan wasiirrada Caddaaladda, xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.
Hawl galkan la dagaalanka xaalufinta ayaa la filayaa inuu bilaabmo maalmaha soo socda waxaana fulin doona ciidamada ammaanka ee gobollada Togdheer iyo Saraar.
Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay talyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer, odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Saraar si loogu wacyigeliyo in ay qayb ka noqdaan hawl galkani.
Wasiir Shukir Baandare, ayaa sheegay in maanta ay u qalab qaateen sidii loo soo af-jari lahaa dhibaatada aan joogsiga lahayn ee lagu hayo deegaanka.
Waxaanay tilmaantay wasiirku in gacan birr ah lagu qaban doono cid kastoo lagu qabto, iyagoo gacanta kula jira dambi ka dhan ah deegaanka Somaliland.
Waxaana hawl galkaasi lagu qab qaban doonaa cid kasta oo ku hawlan xaalufinta deegaanka iyo wax kasta oo keenaya dabar go’a dhirta, isla markaana keeni karaya dhibaato ku timaadda dabiicinimadda deegaanka.
Wasiir Shukri Baandare, ayaa ugu baaqday bulshada in dawladda lagala shaqeeyo, isla markaana la taageero sharciga deegaanka ee Somaliland, oo laga wada hortago dhibaatada dhuxulaysiga iyo xaalufku ku hayo deegaankeenna.
Geesta kale badhasaabka gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, ayaa isna tilmaamay in hawl galkan lagula dagaalamayo xaalufku uu yahay mid ballaadhan oo laga fulin doono guud ahaan ba Somaliland.
Isagoona xusay in barnaamijkani uu ka yimid dawladda dhexe ee Somaliland, kaasoo ku aadan si loo illaaliyo deegaanka iyo noolaha kale ee ku dul nool.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.