Hargaysa: Ururka VOSOMWO Oo Qabtay Kulan Lagu Wacyigelinayo Dhalinyaradda

0
786

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Ururka Haweenka ee VOSOMWO, ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay kulan dhallinyarada lagaga wacyigalinayey dhibaatada uu leeyahay tahriibku, gaar ahaana dhibaatada uu hablaha u leeyahay.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen hablo dhallinyaro ah oo iskaga kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, ayaa intii uu socday laga soo jeediyey hadalo ku saabsan dhibaatada aafada tahriibku uu u leeyahay dhallinyarada Somaliland.

Tababarkan oo noqonaya kii labaad ee Ururka VOSOMWO uu u qabto qaar ka mid ah hablaha xaafadaha kala duwan ee Hargaysa oo lagaga wacyigalinayo tahriibka.

Waxaana halkaas ka hadashay guddoomiyaha Ururka Haweenka ee VOSOMWO, marwo Hibo Maxamuud, waxaanay tidhi “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa dhammaan ka soo qaybgalayaasha kulankan wacyigalinta ah iyo Ururka SIHA Network oo mashruucan naga taageeray,  VOSOMWO-na ku taageertay inay kulankan u qabato Dalladan dhallinyarada ah ee Danjire oo ay isku keento.

Hawshani waxa ay khusaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa ama isku xidh loogu samayn lahaa amaba talooyin loo siin lahaa hablaha da’yarta ah iyo dalladaha kale ee jira ee dumarka iyo dhallinyaradu leeyihiin, gaar ahaana mashruucani waxa uu diiradda saarayaa sidii loola talin lahaa hablaha dhallinyarta ah ee tahriibay ama ku talo jira inay tahriibaan”.

“Markaa ujeedadayadu waxa weeyaan in aanu la talino da’yartaa oo aanu u samayno shabakado lagaga hortago Tahriibka, maxaa yeelay, Tahriibku ka VOSOMWO ahaan waxaanu u aragnaa inuu yahay aafo qaran.

Markaa waxaan rajaynaynaa, Insha Allaah in tababarkan iyo kuwo hore oo aanu qabanayba laga faa’iidaysto oo aannu sii wadi doono dalladda SIHA-na ay mar walba nala garab taagan tahay oo ay naga taageerayso mashruucan iyo mashaariic kale oo badan”ayay tidhi guddoomiyaha ururka VOSOMWO.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi “Sidaa darteed, waxaannu idinkana xagiina idinka rajaynaynaa in aad nala dedaashaan oo aad noo aragtaan maadaama oo aannu nahay dad is-xilqaamay oo idinka raba inay wax idinla qabtaan in idinkuna aadna garab istaagtaan ood wax nala qabataan.

Maadaama oo dadka wax loo qabanayaa ay yihiin idinka, una soo jeedsataan oo aad u aragtaan in hawshan aanay dan gaar ah ugu jirin cid oo dhammaanteen ay dani inoogu jirto, waayo dhammaan intiina i hor fadhidaa waxaad tihiin xoogii iyo dhallinyartii qarankan.

Markaa waxa aynu u baahanahay gacmo wadajir bay wax ku gooyaane in dhamaanteen aynu gacmaha isqabsano, oo hawshaa iyada ahna aynu dhinac ka wada noqono.

Waxa la yidhaahdaa haddii aan arrin soo socota wax laga qaban hadhow marka ay timaado waxba lagama qaban karo”.

Sidoo kale, waxa isagu-na kulankaasi dhallinyarada lagaga wacyigalinayey dhibaatada tahriibka hadal ka soo jeediyey masuul ka socday dalladda SIHA Network Mr. Nuuradiin.

Waxaannu yidhi “Waxaan salaamayaa dhammaan ka soo qaybgalayaasha kulankan tababarka wacyigalinta ah, gaar ahaana hablaha ka socda Ururka Danjire.

Hawshan aynu maanta halkan isugu nimid waa hawshii aynu awal horeba qaban jirnay ee Hay’adda Siha Network, waxa sida aynu ognahay waxa aannu samaynay urur la yidhaa Danjire oo ka kooban afartan hablood.

Afartankaas hablood oo markaa iskugu jira qaar tahriibay iyo qaar aan tahriibin oo dib loogu samaynayey barnaamij wacyigalin ah.

Tabarkani waa qaybtii labaad oo hore ayay tababar u qabteen Ururka VOSOMWO, waxaanan idiin rajaynayaa inaad ka faa’iidaysataan fursadaasi kooban ee aad haysataan.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Danjire marwo Xamda Ismaaciil oo iyaduna kulankaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Ururkan Danjire ee ka kooban 40 hablood oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee Hargeysa.

Waxaana markii dambe aanu yeelanay hal fikrad oo ah in aannu ogaanay in tahriibku yahay aafo oo loo baahan yahay in aanu meel uga soo wadajeedsano”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY