Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Oo Magacii Iska Bedelay

0
656

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa magacii laga bedelay kadib dood iyo soo jeedin ay ka yeesheen  xubnaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka qayb galaya Shirweynaha Guud ee ururkaasi.

Magacii ururka oo markii hore ahaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Nastional Union Somali Journalist) loona soo gaabin jiray  NUSOJ loo bedelay Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed FESOJ (Federation of Somali Journalists ).

Isbedelkan lagu sameeyay magaca ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa sameeyay xubnaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka qayb galaya Shirweynaha Guud ee ururkaasi oo shalay  Muqdisho ka furmo.

Weriyeyaashaasi oo ka kala yimid goboladda dalka Soomaaliya ayaa  shirkii maanta ay  yeesheen kaga dooday soo jeedin ahayd in magaca ururka la bedelo, iyadoo cod aqlabiyad ah oo gacan taag ahaa la iskula qaatay in la bedelo.

Sida uu ku sheegay war qoraal ah oo caawa bartiisa Facebook ku baahiyay xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimow.

Warkaas qoraalka ahna waxa uu u dhignaa sidan, “Xubnaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka qayb galaya Shirweynaha Guud ee ururka ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku badalay magaca Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Kaasoo dood iyo soo jeedin kadib lagu badalay Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed FESOJ (Federation of Somali Journalists ).

Maadaama Soomaaliya ay qaadatay hannaan federaal ah ayaa la soo jeediyay in lagu guuro magaca National oo lagu badalo Federation”.

“Hay’ado waaweyn oo dalka ka jira ayaa mararka qaar sameeya wax badal magacooda ,waxa u danbeeyay dalladda ay ku mideysan yihiin ururada aan dowliga aheyn ee SOSCENSA oo hadda loo badalay SONSA in kasta oo uu hadafku iyo shaqadeedii aaney waxba iska badalin.

Go’aamada masiiriga ee noocan oo kale ah ayaa waxaa lagu gaadhi karaa shirweyne Guud”.

Dhinaca kale  shirka Gollaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saaraa istiraatiijiyada ,qorshoyaasha iyo ujeedooyinka ururka muddada sadaxda sano ee soo socoto.

Ujeedada ugu weyn ee shirka GG waa in la wadaago macluumaad ku saabsan guulaha, caqabadaha soo food saaray ururka muddo xilliyeedkii dhamaaday iyo sidoo kale la doonayo in lagu doorto hogaanka cusub Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed muddada saddex sano ah ee soo socoto iyadoo loo hogaansamayo soo jeedinta ka qeyb galayaasha Shirweynaha .

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY