Ururka SOLJO mawada metelaa saxaafada Somaliland?? by abdirashid osman

0
1049

Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somaliland meel kasta oo ay caalamka ka joogto ,waxaanan u rajaynayaa sanadkaa sanadkiisa inay ku gaadhaan barwaaqo iyo bash bash .

waxaan kaloo u rajaynayaa inay caalamka ka helaan ictiraaf taama kaas oo ay mudo dheer u taagnaayeen dhamaan shuruudihii iyo astaamihii dowladnimana ay wada dhamaystireen.

Maanta waxaan qalinka u qaatay oo aan iswaydiiyeysuaashan ,URURKA SOLJO ee saxaafadu horta yuu metelaa xaguuse ka shaqeeyaa??
sidaynu lawada socono ururka SOLJA waa urur iminka in muda aba aad looga maqlayey somaliland waa urur sidaan u malaynayo isku magacaaba ururka keliya ee metela saxaafada somaliland (niqaabat saxafaafa wa saxafiyiin),markaan baadhay arinkaasi waxbadani kama jiraan umana muuqdo urur afka saxaafada somaliland kuwada hadla tabashadooda iyo tabantaabadoodana wax ka qabta.
Hadaba yadoo aynu ognahay saxaafada somaliland halka ay marayso iyo mashaakilka ,baahiyaha iyo dhibaatada ku gadaaman waxaan odhan karnaa waa saxaafad dib udhac badani ka muuqdo gaadhsiisnayna halkii looga baahnaa amaba aad uga hoosaysa mustawaha saxaafad jirta lagu tilmaami karo dhinac walba marka laga eego .

Saxaafada somaliland dhamaan qaybaheeda kala duwani heer waxay gaadheen laga aamin kabaxo ilaa inyar oo kooban mooyaane muxaafid iyo mucaaridba,taasina waxay kutimi habdhaqanka iyo habacsanaanta ka muuqata ,waxaana loo aanayn karaa mustawahaa ay gaadhay saxaafadu inaanay helin jiho ay kutiirsato oo ay baahiyaheeda ula tagto una soo bandhigto una gudbisa fariimahooda jihooyinkay khusayso waxaa kaloo muuqata inay inta dedaalaysaana ay juhdi u gaara salka ku hayso oo ku tiirsantahay.

Maxay yihiin hadaba baahiyaha saxaafada somaaliland??

Hadaan isku dayo jawaabteeda suaashaa anoo soo koobaya waxaan odhankaraa si mugle horta waa inay lahaadaan dalad ama niqaabad midaysa oo afkooda kuwada hadasha kana haqab tirta baahiyahooda sida:

1- Tababaro isdaba jooga oo ku salaysan aqoon akaadimiya iyo mid farsamoba ,mabaa,diida saxaafada xortaa oo aad looga dhaadhiciyo ,waxaynu ogsoonahay shayga layaaho saxaafadu maaha majaal iska furan sida maanta ka muuqata saxaafadeena se waa inaynu u fahanaa inay xuduudleedahay iyo shuruuc aanay dhaafi karin kana gudbi karin yadoo weliba ilaalinaysa khusuusiyaadka mujtamaceena dhinacwalba haday noqoto diin,dhaqan,mustawaha tacliinta mujtamaca,deegaanka iyo inuu shacabkeenu ka koobanyahay qabaail.

2- waxay u baahantahay saxaafada somaliland inay hesho shuruuc iyo qawaaniin ay ku dhaqanto oo ay ka hesho xaquuqdeeda xaqa laguleeyahayna ilaaliya,taasi waxaad moodaa maanta inay faraha ka baxday oo ay noqotay hortaa banaan xadgudubyo badana ku kacda mid bulshada ay ka gasho iyo mid ay nidaamka markaa jira ka gashaba ,yada lafteedana tacadiyo ka soo gaadhaan dhinacyadaa aan sheegay taasina waxay kutimi shuruuc la,aanta .

3-Hay,ad madaxbanaan ama sida looyaqaano niqaabad ama dalad wada kolmisa oo ay u dhanyihiin ama badidooduba saxaafada somaliland qaybaheeda kala duwani afkoodana ku hadasha, dhamaan baahiyahooda iyo tabashadoodana waxay ka qabankarto ka qabata,taasina marxaladan ma muuqato madaama ay jaantaa rogan noqotay saxaafadu jiho ay waxka dhegaysato oo ay isku raacsanyihiina aanay jirin.

Guntii iyo gabagabadii SOLJO hadaba qodobadaa ma buuxiyey mase yahay urur loodhanyahay jawaabtu way iska cadahay waayo haday ahaanlahayd maantaba xaalka saxaafada somaliland muu ahaadeen sida aynu wada garanayno,hadaba waxaa loobahanyahay inla helo ururka noocaasa ee huwan mabaa,diida saxaafada xortaa aqoonteedanale inta ka horaysana dadkii lagu halaynlahaa doorkaa ,waxaa xusid mudan in markeedii horeba ay inagu cusubtahay saxaafada xortii weliba aad moodo in bilowgeedii uu ka wacnaa tan maanta taagan.

,,,SAXAAFADEENA INTA AANAY DADKEEDII HAYN IYO AQOONTII ,WAA GOLI KAFUUL!!!!

abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
dubai
00971506972985

LEAVE A REPLY