Hogaanka SOLJA Oo Tunisia Kaga Qayb Gelaya Shir Caalamiya

0
759

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa dalka Tunisia kaga qayb gelaya shir caalamiya oo ku saabsan xuquuqda aadanaha oo ay ka soo qayb geli doonaan wufuud wadamo badan oo caalamka ah ka socda.

Agaasimaha ururka SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi, oo shirkaasi ku meteli doona SOLJA oo maanta ka dhoofay magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in shirkaasi lagaga hadli doono arrimo la xidhiidha ilaalinta xuquuqda dadka isticmaala baraha bulshadda iyo Internet-ka.

Shirkaasi oo bilaabmaya 11-ka bishan ayaa socon doona ilaa 16-ka isla bishan June, iyadoo mudadda uu socdo lagaga doodi doono amuurro badan oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa adeegsiga Internt-ka iyo in aan lagu xad-gudbin bulshadda isticmaasha.

Yaxye Maxamed Cabdi, agaasimaha ururka SOLJA oo faahfaahin ka bixinayay u jeedadda safar uu u baxay, waxa uu yidhi  “Waxaan dalka Tunisia kaga qayb geli doonaa shir caalamiya, anigoo ku meteli doona ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo bahda warbaahinta Somaliland. Shirkaasi oo ah mid balaadhan oo ka dhici doona magaaladda Tunis, ee caasimadda dalka Tunisia”.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay agaasime Yaxye, shirkaasi iyo waxyaabaha lagaga hadli doono, “Shirkaasi waxaa lagaga hadli doonaa arrimaha xuquuqal iinsaanka aduunka iyo sidii adeegsiga Internet-ka oo isticmaalkiisu ku soo badanayo aduunka, ay wadamadda caalamka iyo cida ay khusayso ee ka shaqaysaa ay uga tashan lahaayeen sidii loo maarayn lahaa ama xal loogu heli lahaa.

Xuquuqda dadka isticmaalana loo ilaalin lahaa, ee loo dhawri lahaa, warbaahinta digital-ka ahna kor loogu qaadi lahaa.

Shirkaasi waxa bilaabmi doonaa, 11-ka bishan June, waxaanu dhamaan doonaa 16-ka isla bishan June. Markaa mudadda uu socdo waxaa dhici doona oo laga hadli doonaa ilaa 400 oo mawduuc, oo ay ka hadli doonaa 2500 oo khabiir oo ka kala yimid aduunka dacaladiisa”ayuu yidhi Yaxye Xanas.

Geesta kale agaasimaha ururka SOLJA ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin  ka urur ahaan ka qayb galka shirkaasi oo ah mid heer caalami ah.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ka SOLJA ahaan iyo ka Somaliland ahaanba farxad ayay noo tahay in aanu shirkaasi ka qayb galno.

Waxaanay sii xoojin doontaa xidhiidhka iyo la shaqaynta aanu aduunka la leenahay. Kaasoo hadhow noo sahli doona in aanu madallo ka waaweyn iyo waxqabadyo intaa ka sii badan uu noo fududeeyo”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY