Ururka SOLJA Oo dalka Ingiriiska Kaga Qayb Gelaya Shir Caalamiya

0
745
Gudoomiyaha Ururka Saxaafiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress)—Gudoomiyaha ururka Suxufiyiint Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” ayaa ingiriiska kaga qayb gelaya shir caalamiya oo ku saabsan Saxaafada, kaasoo ay ka soo qayb gelayaan wufuud wadamo badan oo caalamka ah ka kala socda.

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ayaa maanta ka Amababaxay Magaalada Caasimada Hargeysa isaga oo ku jeeda magaalada London oo uu kaga qaybgalin doona shirkaasi, isaga oo matali doona saxaafada Somaliland, waa markii u horaysay oo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA cid metelaysaa ay ka qayb gasho ka dhacaya UK, walow dhawaan Agaasimaha Ururka SOLJA shir kaga qayb galay Dalka Tunisia Barnaamijka Shirkaasi kala Socoo Wararkeena danbe ..

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY