Ururka Qareennadda Somaliland Oo Canbaareeyay Xukun Maxkamadi Ku Riday Nin Qareena

0
971

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xubno ka tirsan ururka qareenadda Somaliland ayaa canbaareeyay xukun ay maanta maxkamadda gobolka Maroodijeex ku riday qareen Asad Nuur Cilmi,  oo ay maxkamadu ku eedaysay in uu gaystay musuq maasuq.

Waxaanay ku dhaliileen maxkamadda gobolka Maroodijeex in ay qareenkaasi kula kacday fal ka baxsan anshaxa garsoorka iyo nidaamka cadaaladeed ee dalka iyo ka caalamkaba.

Asad Nuur Cilmi, ayaa shalay maxkamadda gobolka Maroodijeex ku riday xukun ah 3 sanadood oo xadhig ah iyo in ruqsadii qareen-nimo lagala noqday muddo shan sanadood ah.

Kadib  markii sida guddoomiyaha maxkamadu sheegay in ninkaas qareenka ahuu  ku kacay arrin ka baxsan shuruucda garsoorka.

Hase yeeshee ururka qareenadda Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa ayaa canbaareeyay tallaabadda maxkamadu ku kacday.

Xoghayaha guud ee ururka qareenadda Somaliland Jamaal Axmed Maxamed (Mandela), oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku eedeeyay maxkamadda Maroodijeex in ay qareenkaasi ula dhaqan tahay qaab anshaxa ka baxsan.

Isagoo  sheegay ka urur ahaan in ay falkaasi aad iyo aad uga xun yihiin. Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi  “Qareenkaasi waxay maxkamadu ula dhaqan tahay anagoon ka warhaynin  si anshaxa iyo cadaaladaba ka baxsan.

Falkaas shalay dhacay aad iyo aad ayaanu u canbaaraynaynaa. Waana tallaabo ka baxsan anshaxii cadaaladda iyo ka garsoorkaba”.

Garyaqaan Maxamuud C/raxmaan, oo ka mid ahaa xubnihii shirka jaraa’id qabtay ayaa ku dhaliilay maxkamadda gobolka Maroodijeex xukunka ay qareenkaasi ku riday iyo sidoo kale in ay go’aanka ay warbaahinta ka sheegto.

Waxaanu ku dooday in saxaafadii arrintaa baahisay iyo maxkamaduba ay ku gefeen anshaxa garsoorka. Waxaanu yidhi “Maxkamadda arrinka ku dhawaaqday iyo saxaafadda, labadu ba waxay ku gefeen anshaxii garsoorka. Warbaahintu dacwad socota oo aan dhamaan in ay ka hadlaan ma aha.

Garsooraha arrintaa gacanta ku hayayna ma ahayn, in isagoo xeerkii dhaafay oo sharci darro samaynaya in uu hada na warbaahinta ka sheego.

Tallaabadaasi waa mid aanu aad uga xun-nahay haddii aanu nahay ururka qareenadda Somaliland”.

Garyaqaan C/naasir Maxamed Shide,  ayaa sheegay in sharciga Somaliland iyo midka caalamiga ahba ay ka soo hor jeedo in go’aan uu garsoore riday uu warbaahinta ka sheego.

“Garsooruhu in uu go’aan maxkamadeed warbaahinta la tago oo uu kaga dhawaaqo waa xaaraan. Xeerka iyo nidaamka garsoorkeenu wuu diidayaa. Ka caalamkana waa mamnuuc in ”ayuu yidhi garyaqaan C/naasir Shide.

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay garyaqaan Foosi Sheekh Yoonis, oo maxkamadda gobolka Maroodijeex ku eedeeyay in ay ceebo badan leedahay, isla markaana falka ay qareenka kula kacday uu yahay mid baalmarsan shruucda wadanka.

Waa markii u horaysay oo maxkamadaha Somaliland sidan oo kale u sheegaan in xukun lagu riday masuul ka tirsan bahda cadaaladda  iyo garsoorka oo ku eedaysan musuq maasuq ama in uu ku gefay shaqadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY