Ururka qareenada Somaliland oo Shacabka ugu Baaqay In Nabada La Ilaaliyo Maalinta Doorashada

0
1394
Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Mudane Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ururka Qarenada Somaliland wuxuu halkan hambalyo iyo mohad naq uga dirayaa dhamaan shacabka reer Somaliland howshii baaxada lahayd e ololaha doorashada e ay sida quruxda badan uga qayb-qaaten kuna ololeeyen si nabad galyo ah una muujiyeen taageeridooda saddexda xisbi qaran islamarkan u muujiyen rabitaankooda xaqa doorashada waa wax lagu farxo oo muddan in looga mohad celiyo waxaanan leenahay ummada reer Somaliland hambalyo ku waara nolol iyo nabad.

Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Mudane Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) ayaa maanta shirkaasi Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, Waxaanu si gaar ah hambalyo uga ugu dirayna hogaamiyeyasha saddexda xisbi qaran sida quruxda badan e dimocraadiyada iyo horumarka hanaanka siyasadeed e ay ugu soo bandhigen doodii wax qabadka hogaamineed e uu mid waliba rabo inuu ku hogaamiyo ummada reer Somaliland haddii u guulaysto iyo qaabka ay u maamuleen ololaha doorashada oo ah howl runtii baaxad leh.

Halkan hoose ka Daawo shirkaasi Jaraa’id ee Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland.

Waxaanu halkan ummada Reer Somaliland uga dirayna fariin ku Aadan wajiga labaad e doorashada oo bilaabmaya maalinta isniinta e bishu tahay 13/11/2017

Waxaanu leenahay walaalayaal tartarkii ololuhu wuu dhamaaday waxa loo dareeraya coddayntii waxaad xaq u leedahay inaad coddayso kuna coddayso nabad galyo una coddayso murashaxa aad taageersantahay codkaaguna waa muhiim waxaanu muhiim noqonaya ood murashaxaga iyo ummada reer Somalilandba ku taageeri karta markad nabad-galyo iyo nidaamka sharci ku coddayso.

Maalinta coddaynta dhammaanteen waxaynu nahay masuuliyiin ka masuula nabadgalyda iyo danta caamka ah e ummada waxaynu dhinac ka wada nahay caddowga Somaliland waxaynu wada ilaashanayna qaranimadena suuban , waxaynu muujinayna horumarka siyaasadeed e aynu bislaanay iyo awooda shacabka reer Somaliland waxaynu u hiilinayna qaranimada iyo dowladnimadena suuban, inaad xisbi u coddaysa wax xaq dastuuri ah oo aad leedahay,waxaase xaq laguugu leeyahay inaad ixtiraanto xaqa doorashada e uu walaalka leeyahay isna inuu u coddeeyo xisbiga u taageero iskuna ixtiraamtan xaqa taageerida iyo coddaynta.

Saddex murashax kii soo baxaaba waa madaxwaynaha Ummada reer Somaliland e aad ka mid ka tahay waa madaxwaynahagii beel iyo qabiiltoona uma aha madaxwayne balse waa madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Murashaxiinta tartamayaa waa shakhsiyaad oo ummada waxay ka yihiin shakhsi bale waxa muhiim ah inaynu ilaalino waxa inaga dhexeeya oo ah qaranimada iyo jiritan isku duubnida Ummada reer Somaliland e walaalaha ah sidaasi ayuu horumarku ku jira noloshadu ku jirta aqoontaada wax barasho ku horumaraysa qayrkana ku dhaafi karta

Waxaanu leenahay muwaadin ku coddee nabad galyo oo la shaqee haya’daha amniga iyo komishanka qaranka e howsha wada waa muhiim inaad garab istaagto maamulkaaga xaqa coddaynta waa noloshada mustaqbal ilaasho qaranimada iyo wada noolaansha walaaladaada jar ah waa fariin muhiim ah muwaadin.

Hogaamiyeyasha saddexda xisbiga qaran e sida fiican usoo tartamayna waxanu leenahay walaalayaal ummada u sheega inay ku coddeeyan nabad-galyo oo dhamman taageerayaashiina ku wacyi galiya inay ku coddeeyan nabadgalyo iyada jiritankeenu ku jira murashaxa maanta laga guulaystaa waa madaxwaynaha bari oo ummada hadday manta ka coddaysay baribay kuu coddayn hanoqonina siyaasiga manta oo kaliya e noqda siyaasiga manta iyo bari iyo sahan danbe.

Ugu dambayntii, Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA wuxuu Guddiga Doorashooyinka Qaranka ugu baaqay dadaal go’an qadasho cadaladed habrasho la”an gusha Somaliland gacantina ayey ku jirta e guul iyo gobanimo.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here