Ururka DANGARAD oo Deeq Lacag ah Guddoonsiiyey 20 caruur ah oo isagu jirta Agoon iyo Danyar Maalmaha Ciida Awgeed + SAWIRRO

0
2180

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ururka dhallinyarada ah ee Dangarad oo ah urur bulsheed oo had iyo jeer ka qeyb-qaata kobcinta waxbarashada, caafimaadka iyo caawinta dadka danyarta ah isla-mar-ahaantaana bilaabay barnaamij ay ugu magac dareen ciidsii agoon ama danyar, ayaa deeq lacag ah oo dhan min 220 lacagta shilling Somaliland-ka ah guddoonsiiyey 20 caruura oo isagu jira agoon iyo kuwo kale oo danyar ah ku waasi oo ay ugu talo-galeen in ay kaga farxiyaan maalmaha ciida ee fooda innagu haysa.

Munaasibad kooban oo caruurtan lacagtan lagu guddoonsiinayey oo ka qabsoontay xarunta ururka Dangarad ee Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay guddida ururkaasi, waalidiinta iyo caruurta la guddoonsiinayey lacagta.

dangrad 55

Sheekh Axmed Maxamed Cabdi oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Dangarad oo halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey caawintan ay guddoonsiinayeen caruurta agoonta iyo danyarta isagu jirta, waxaana uu sheegay in ay tahay mid ay ugu talo-galeen in ay kaga farxiyaan caruurta yar yar ee agoomaha iyo danyarta ah kuwaasi oo aan awoodi karayn in ay maalmaha ciida ay helaan dhaqaale ay ku iibsadaan dharka ciida, waxaana uu ugu horeyn sharax kooban uu ka bixinayaa ururka Dangarad iyo waxyaabaha uu u aas aasan yahay in uu qabto.

dangarad 34

“Ururka Dangarad, waa urur ka shaqeeya waxbarashada,dadka danyarta ahna hadba waxii uu u qaban karo ku caawiya, waxyaabaha wanaaga ah oo dhana si Illaahay dartii ah ayaa uu ugu caawiyaa oo uu ugu taagan yahay, hay’ad caawisa iyo urur uu wax ka soo qaataana ma jiro, barnaamijyadiisana, waxaa uu ku fuliyaa ka qaado oo u gee oo dadka inta uu ka so qaado uu hadana iyaga inta noloshoodu hoosayso uu ku celiyo”.Ayuu yidhi Sheekh Axmed Maxamed  Cabdi.

dangarad 445

Sheekh Axmed Maxamed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Maanta waxaa aynu halkan isagu nimi, caruurtan aynu hor fadhino oo u badan agoomo iyo dad kale oo ku dhex jira oo u badan dad danyara oo aan iska bixin karayn ciida iyo arrimaheeda, tiradoodu waa 20 caruur ah, waxaanu u qaybinay calaa qaf lacag dhan 30 dollar oo shilinka Somaliland-na u dhiganta 220 S/shilling, lacagtaas waxaa aanu ka soo qaadnay dadka laftooda iyaga ayuunbaanan ku celinay, waxaana laga ururiyey dadka qaraabada ah ee wax yara hays haysta oo ah barnaamij aanu u bixinay ka farxi agoonta ama ciidsii agoon ama qof danyar ah, waana Illaahay mahadii mar haddii aanu ku guulaysanay hawshii aanu wadnay, waana waxyaabaha Illaahay innoogu naxariisanayo in la iska xaal hayo hadba waxa lagu sugan yahay”.

DANGARAD124

Mid ka mid ah waalidiintii caruurta agoonta iyo danyarta ah ka mas’uul ah oo halkaas ka hadlay, waxaa uu si weyn uga mahad celiyey deeqdan lacagta ah ee ay ururka Dangarad ay soo gaadhsiiyeen caruurta isagu jirta agoonta iyo danyartaba, waxaana uu yidhi:”Ururkan Dangarad oo ah u dhalinyaro ah aad ayaan ugu mahad naqaynaa, waana ay ka farxiyeen caruurtan yar yar ee danyarta ah, waana shay diini ah oo aanu leenahay Illaahay ayaa mahada iska leh, waana ay mahadsan yihiin”.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here