Urur Siyaasadeed Cusub oo Lagaga Dhawaaqay Somaliland

0
1166

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaaladda Hargaysa laga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo mid noqonaya ururadda ka qayb geli doona tartanka loogu soo baxayo xisbinimadda oo la filayo inuu dabayaaqadda sanadkan dalka ka bilaabmo.

Munaasibad balaadhan oo loo soo sameeyay shaacinta urur siyaasadeedkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Somaliland People’s Party, waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin caan ka ah Somaliland, madax dhaqameed, garyaqaano.

Xildhibaano ka kala tirsan labadda gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda, Aqoonyahano, Madax-dhaqameed, Haween, Dhalinyarro, iyo mart sharaf kaloo tiro badan oo xafladaasi lagu soo casuumay.

Ugu horeyn, waxaa munaasibada Daahfuray Badhasaabkii hore ee gobollada Maroodi-jeex, Gabiley, Awdal iyo Sool ahna suxufi soo hoggaamiyey ururka SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), waxaanu ka warramay sababta loo aasasay urur siyaasadeedka cusub ee SPP.

Geesta kale, waxaa munaasibadii shaacinta urur siyaasadeedkaasi goob joog ka ahaa xubnaha aasaaseyaasha ururkaasi, iyo hogaanka ku-meel gaadhka ah ee ururka SPP, oo uu ka mid yahay Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo ah guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee ururkaasi.

 

Hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY