UK: Wax Ka Baro Saamaynta Ka Bixitaanka EU-du Yeelanayo.

0
946

LONDON— Goor dhaw oo xagayaga, dalka ingiriiska, laba saacadood ku siman (11:00 PM) boqortooyada midawday ee Britain waxay ka baxayaan midawgii ay kula jireen dallada midaysa midawga Yurub ee loo yaqaano EU-27.

Dadweynaha reer Britain ayaa %52 u codeeyey sannadkii 2016 aftidii laga qaaday, inay ka baxaan midawgaasi, waxaana ka bixitaankaasi qaatay muddo seddex sannadood ku siman, iyadoo xukuumaddii Raysal wasaare Theresa May ee dhaxashay hawsha ka bixitaanka midawga Yurub ka dib markii raysal wasaarahii ka horeeyey David Cameroon uu is casilay, ay la kaca kuftay hawshaasi.

Xagaagii kal hore, ayaa mudanayaasha xisbiga tallada dalka ingiriiska haya ee Consertative ka iyo gadh-hayeenadda xisbigaasi waxay khaati bilaahi ka istaageen, go’aan jileec farabadan oo raysal wasaare Theresa May ay sababtay, taasi oo keentay in wada xaajoodkii ay la gashay midawga yurub ay tanaasulaad badan oo ka cadhaysiiyay xisbigeeda iyo dadkii u codeeyey in laga baxo EU-d, uu soo dadajiyo in xisbiga Conservative ku ay ka biyo diidaan, kuna qasbaan Mrs May inay is casisho.

Xisbiga Conservative-ka ee tallada dalka ingiriiska haya, ayaa 24 bishii July sannadkii 2019 kii, u doortay xilka hogaamiyaha xisbigaas iyo raysal wasaaraha Britain Boris Johnson, oo hore u ahaa gadh-hayeenkii ama hogaamiyahii ololahii kooxdii doonaysay in Britain ka baxdo midawga Yurub.

Bishii December 12-keedii ee sannadkii dhamaaday ee 2019-ka ayaa doorasho guud oo Britain ka dhacday, wuxuu Mr. Johsnon ku guulaystay aqbaliyad aad u weyn oo aanay xisbiga Conservative ku muddo 25 sanno ku siman aanay helin.

Taasi waxay u sahashay inuu si fudud heshiiskii uu la gallay midawga Yurub uga ansixiyo golaha cusub ee la soo doortay ee uu haysto aqbaliyad 80 kursi ku siman.

Haddaba 11:30 Caawa Marka La Gaadho Maxaa Isbedelaya?

Ka bixitaanka hirgalaya caawa wakhtiga UK 11:30, waa mid siyaasadeed oo aan saamayn weyn yeelan doonin dhinaca dhaqaalaha iyo socdaalka midna toona, wixii ka danbeeya caawa, mudanayaashii ingiriiska ee ka tirsana golaha baarlamaanka ee midawga yurub (The British MEP’s) wakhtigooda ayaa dhamaanaya.

Sidoo kale sharciyadii midawga yurub ee qaban jiray dalka ingiriiska ayaa meesha ka baxaya, ingiriisku wuxuu caawa wixii ka danbeeya 11:30 habeenimo xaq u leeyahay inuu heshiisyo dhaqaale, ganacsi, dhaqan iyo wax kasta la galli karo dal kasta oo adduunka ah, halka markii hore aanu awood u lahayn oo xayndaabkii uu ku jiray ee midawga yurub aanay u saamaxayn.

Sidoo kale madaxda ingiriisku ka qayb gali kari maayaan shirarka waaweyn ee midawga yurub.

Haddaba maxaan Isbedelayn?

Marka laga yimaado afraada kor ku xusan, wax weyn is badali maayaan caawa, waxaana bilaabmi doona wixii ka danbeeya 11:30 PM , ee caawa wakhti kala guur ah oo loo yaqaano (Transitional period), wakhtigaasi oo ku siman ilaa 31 bisha December ee sannadka 2020, waa muddo 11 bilood ah.

Muddada 11 ka bilood ku siman, wax kasta sidoodii ayey ahaanayaan, dadka jinsiyadaha Yurub haysta sidii horaba ay u ahayd ayey degi karaan, ka shaqaysan karaan, xaqna u leeyahiin inay hellaan gargaaryada kala duwan ee dalka ingiriiska, sidoo kalana muwaadiniinta u dhalatay dalka ingiriisku waxay xaq u leeyahiin inay u safraan, degaan kana shaqaystaan dalalka midawga yurub.

Ganacsiga iyo dhaqaalaha u dhexeeya midawga yurub iyo Britain muddada 11 ka bilood ah ee caawa saqda dhexe ka bilaabma sidoodii ayey ahaanayaan.

11 Bilood Ee Kala Guurku Waa Maxay Ahmiyadiisu?

Waxaa bilaabmi doona maalinta barri ah, wajiga labaad ee wada hadaladda Britain iyo midawga yurub, kaasi oo khubarada dhinaca heshiisyada dhaqaalahu ku tilmaameen, mid ka adag kii hore ee dhinaca siyaasadda.

Waxaa ingiriiska iyo Midawga yurub ka xaajoon doonaan sida mustaqbalkooda dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya ahaan doono (UK and EU Trade talks), tusaale ahaan, ingiriisku wuxuu doonaya inuu helo heshiis dhaqaale oo la mid ah ka uu hore ugula jiray midawga yurub markuu ka midka ahaa, halka midawga Yurubna ay doonayaan inay shuruudo ku xidhaan.

Haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan, heshiis dhaqaale wixii ka horeeya 31 December 2020 ka, waxaa dabadeed labada dhinacba ay hirgalinayaan labada heshiis.

Maxaa marka dhici doona 31 December 2021 ka?

Wakhtigaasi marka la gaadho waxaa dhammaan doona wakhtigii kala guurka ahaa, waxaana ingiriisku uu si buuxda uga baxaya dhammaanba haykaladda (Institutions), midawga yurub, waxaa joogsan doona isku socodkii, dadka reer Yurub ee doonaya inay ingiriiska yimaadaan waa inay ku soo gallaan Visa ama dal ku gal, sida dadka kale ee adduunyaduba markay imanayaan Britain ay u dalbadaan.

Waxaa sidoo kale oo ingiriisku joojin doona lacagta uu sannadkiiba siin jiray midawga yurub ee loo yaqaanay (Membership contributions) oo ahayd 20 bilyan oo lacagta giniga ingiriiska ah una dhiganta ilaa 26 bilyan oo dollarka maraykanka ah.

Maxaa Imika La Gudboon Inay Soomaalida Jinsiyadaha Europe Haysatata ee Britain Degen, ama Soomaalida Jinsiyada Ingiriiska Haystata ee dalalka EU-da degen.

Soomaalida haysata jinsiyadaha dalalka midawga yurub, ee hadda degen dalkani ingiriiska, waxaa la gudboon qodobadani.

1) Inay dalbadaan ama codsadaan degenaanshaha dalkani ingiriiska: wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkani ingiriisku (Home Office) waxay u furtay dadka haysta jinsiyadaha Europe ee Britain degen, bog cusub oo ay ka dalban karaan degenanshahaasi oo loo yaqaano (EU Settlement Scheme), waxaanad sidoo kale barnaamijka boggaasi kala soo degi kartaan mobilekaaga, waana kani linska ama xidhiidhiyaha bogga aad ka codsan kartaan.

https://www.gov.uk/settled-status-eu-citizens-families

Waxaa loo ogolyahay qofka haysta jinsiyadaha reer Europe iyo dhammaanba dadka ku tiirsan, ha haystaan jinsiyad reer Europe ama tu kale eh la dalbadaan, waxaana la wada siinaya degenanaansho.

Sidoo kale codsigani waa lacag la’aan bilaash ah, wuxuuna ku egyahay ilaa 31 bisha December ee 2020.

2. Soomaalida haysata jinsiyadaha dalka ingiriiska ee degen dalalka midawga yurub waxaa la gudboon inay sidoo kale dalalkasi ay joogaan ka dalbadaan degenaansho.

Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

london UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here