UK oo Aqoonsatay Muhiimadda Deganaanshaha iyo Nabadgelyada Somaliland

0
2970

London (Hargeisa Press) – Wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Afrika ee Dowladda Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell, ayaa sheegay in Dowladda Ingiriisku ay aqoonsan tahay muhiimadda xasiloonida iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo gobolkaba.

Wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Afrika ee Dowladda Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell, ayaa sidan ka sheegay Fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Ingiriiska oo la xidhiidhay arrinta magaalada Laascaanood.

Mr. Mitchell oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyay fadhiga Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay inay si joogto ah ula shaqeyaan saaxiibada caalamiga ah, UN iyo Dowladda Somaliland si aanu u taageerno dedaalada xasilinta.

“Waxaan sii wadeynaa in aan si dhow ula socono xaaladda, waxaana ku dhiirinaynaa dhammaan dhinacyada in ay xaaladda dejiyaan, lagana fogaado in dhibaato kale ay dhacdo, si nabad ahna lagu xalliyo arrinta”. ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Afrika ee Dowladda Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here